Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaad ka xasuusataa Jeneral Cadde Muuse Xirsi Boqor??
    Somalia

    Maxaad ka xasuusataa Jeneral Cadde Muuse Xirsi Boqor??

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 8, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dadka reer Puntland way macno beeleen mana xusaan halyeeyadooda!

    Maanta oo kale 8 Feb 2017 waxaa waddanka Imaaraatka ku geeriyooday madaxwaynihii 3aad ee Puntland Janaraal Maxamuud Muuse Xirsi Boqor (Cadde Muuse) AUN, wuxuu joogay xafiiska intii u dhaxaysay 8 Jan 2005 illaa 8 Jan 2009, waxaa lagu xasuusataa doorkiisii uu ku lahaa dhismaha dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan taageeradii ciidan iyo midda dhaqaale ee uu la garab istaagay xukuumaddii TFG ee madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf hoggaaminayay oo miisaaniyadda ay ku shaqaynayso ay ahayd $200,000 oo ah canshuurta dekedda Bosaaso oo kaliya, dalka xilligaasna kama jirin taageerada uu hadda sida tooska ah uga helo Beesha caalamka.

    Janaraal Cadde Muuse wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu aqoonta badnayd ciidanka XDS, wuxuuna aqoontiisa militari ku soo qaatay dalalka Talyaaniga iyo Ruushka, waxaa uuna qayb ka soo qaatay dhismaha ciidanka Soomaaliya, isagoo sidoo kale shaqooyin kala duwan ka soo qabtay dowladdii militariga xagga ciidanka.

    Muddadii uu madaxwaynaha ka ahaa Puntland wuxuu ku shaqeeyay duruufo adag, iyada oo xukuumadii xilligaasi ee Puntland ay naf iyo maalba la garab taagnayd dhismaha dowladdii Soomaaliya ee KMG ahayd.

    Madaxwayne Cadde Muuse waxaa lagu xasuustaa dhismahii iyo dhammaystirkii garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso, iyo tayayn iyo sare-u-qaadid uu ku sameeyay adeegga dekedda magaalada Bosaaso ee xarunta u ah ganacsiga Puntland.

    Hab dhaqankiisa intii uu ciidanka ahaa iyo intii uu siyaasadda ku jirayba wuxuu ahaa mid aan is badalin, waxayna dadka aqoonta fiican u leh sheegaan inuu ahaa shaqsi aad u naxariis badan inuu ahaa, reer magaal ah, nabaddoon ah, oo nabadda aad u jeclaa, waddani ah, dadkuna ay u sinnaayeen, laguma aqoon madaxwayne Cadde Muuse qabyaalad, Rabbi ha u naxariisto.

    Maxamed Koorre

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.