Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Biixi iyo Wakiilka QM ?+VIDEO
    Somalia

    Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Biixi iyo Wakiilka QM ?+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 9, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. James Swan ayaa maanta gaaray Magaalada Hargeyso ee xarunta Maamulka Somaliland, waxaana uu kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

    Madaxweynaha Somaliland iyo Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan ayaa ka wada-hadlay xaalada Guud ee Somaliland, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka Baarlamaanka oo dood adag oo u dhexeysa Biixi iyo Xibsiyadda Mucaaradka ah ka taagan tahay iyo soo celinta wada-hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

    https://www.facebook.com/WarbaahintaMadaxtooyadaJSL/videos/480117642690986/

    Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) oo markii kulanku soo dhammaaday saxaafadda la hadlay ayaa yiri “waxyaabo badan baa kulanka lagaga wada hadlay, arrimo badan baa la isla soo qaaday oo ay madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen, arrimaha ugu muhiimsanna waxa kamid ah waxa ay Somaliland u gudbisay wakiilka inuu xoghayaha guud ka gaadhsiiyo farriimo ay kamid yihiin in muddo Soddon sanno ah ay Somaliland hanatay oo ka shaqaysay qaddiyaddeeda iyo madax-bannaanideeda oo ay danaheeda dhammaamtood iyadu gacanta ku hayso, haddii ay tahay dhulkeeda, baddeeda, hawadeeda iyo maamulkeedaba, mid walbana ay ku guulaysatay inay ka shaqayso nabaddiisa iyo xasiloonidiisa.”

    James Swan, wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha Guud ee QM ayaa sheegay inay jiraan tilaabooyinka lagu dhisi karo kalsoonida iyo wada-hadalka u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho, ayaa yiri “Waxaan aaminsanahay in ay jiraan meelo badan oo laga wada shaqeyn karo si kor loogu qaado ammaanka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta dadka” ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.