Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Karaash iyo Nicola Smither ? (Daawo)
    Puntland

    Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Karaash iyo Nicola Smither ? (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 2, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Bangiga Adduunka oo ay hoggaaminayso madaxa mashaariicda tayaynta iyo maamuul wanaagga ee Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga Africa Mss Nicola Smither.

    Ujeedada waftigan u yimaadeen Puntland ayaa ah sidii la isaga xog waraysan lahaa mashaariicda muhiimka ah ee uu Bangiga Adduunku ka taageero dowladda iyo sida ay uga faa’iideysatey dowladda Puntland, isla markaana loo sii dardargelin lahaa mashaariicdaasi.

    kulankan ayaa waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehlinaayey, Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir Cismaan, Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland Cabdiwali Cali Tima-cadde iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa soo dhoweeyey Waftigaan, waxaana uu uga mahadceliyey Mashaariicaha wax ku oolka ah ee uu Bangiga adduunku ka taageero Puntland isagoona u xaqiijiyey in ay Puntland si wanaaagsan uga faa’iideysatey.

    Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ka codsaday Bangiga Adduunka inay sii wadaan taageerada ay la garab taaganyihiin dowladda Puntland oo ay kamid yihiin Mashaariicda RCRF Mashruuca hannaanka bixinta Mushaharaad, PFM Mashruuca horumarinta hannaanka Maaliyadda iyo CIP Tayaynta Hay’adaha dowladda oo isaga ay si gaar ah u codsatay dowladdu in muddo kordhin loo sameeyo.

    Mashaariicdan iyo kuwo kale ayuu kala hadlay Madaxweyne ku xigeenku, isagoona ku bogaadiyey sida wanaagsan ee Bangiga Adduunku ula tacaamulo dowladda Puntland, isla markaana waxa uu ku booriyey in ay wada shaqayn wanaagsan sii yeelan doonaan dowladduna ay ka faa’iidaysan-doonto mashaariicdaasi

    Dhinaca kale Mss Nicola Smither ayaa dowladda Puntland ku bogaadisey sida wanaagsan ee ay uga faa’iideysteen Mashaariicdaasi, iyadoona tilmaamtay in Puntland noqotay meesha keliya ee ay guud ahaan Soomaaliya si wanaagsan uga hirgaleen mashaariicdaasi.

    Mss Nicola Smither ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan guud ahaan mashaariicda maadaama ay dowladdu dhankeeda diyaar la tahay sidii ay uga faa’iideysan lahayd, sidoo kale waxay xustay inay codsiyada dowladdana waxka qaban doonaan.

    Daawo.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.