Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ku heshiiyeen Madaxweyne Xasan iyo Cali Jeyte?
    Somalia

    Maxay ku heshiiyeen Madaxweyne Xasan iyo Cali Jeyte?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 6, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo is daba joog ah kula yeelanaya magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo siyaasadda iyo indheergaradka mid ka mid ah beelaha dega gobolkaas.

    Ujeeddada kulankaas ayaa lagu sheegay dhegeysiga tabasho ay qabto beeshaas degta bariga Beledweyne oo uu ka soojeedo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo sheegtay in uu madaxweyne u yahay maamul ka go’ay Hirshabelle. Jeyte oo ka horyimid go’aanka Hirshabelle ay xilka uga qaatay ayaa qeyb ka ah wada hadallada ka socda Maxaas.

    Cali Jayte oo loo arko in uu yahay hoggaamiye saameyn weyn ku leh gobolka Hiiraan islamarkaas na kaalin weyn ku lahaa abaabulka iyo hoggaanka dagaalka ciidamada deeegaanka ay la galeen kooxda Al-Shabaab ayaa eedeyn horey ugu jeediyay dowladda federaalka iyo maamul Hirshabelle isaga oo dalbanayay in gobolka Hiiraan laga dhigo maamul gaar ah.

    waxaa jira arrimo ay isku afgarteen labada mas’uul iyo qaar weli dhiman.

    Wixii la isku afgartay waa in wixii siyaasad ah dib loo dhigo, wixii la xiriira dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaabna uu hogaamiyo Cali jeyte isagoo toos u hoos tagaya madaxweynaha.

    Wuxuu intaa ku daray inuusan cidna hoos tegeyn uuna u madaxbanaan yahay wixii khuseeya hawlgalinta ciidanka Macawisleyda ee gobolka Hiiraan.

    Ilaa 200 oo xubnood ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay kulamo is dabajoog ah oo qiyaastii ilaa afar kulan gaaray sida ay dad xog-ogaal ah  sheegeen, waxayna xubnahaas oo isugu jiray siyaasiyiin, saraakiil ciidan, ganacsato iyo oday dhaqameed ay kulamaadaas madaxweynaha ku weydiisteen in gobolka Hiiraan laga dhigo maamul goboleed gaar ah.

    Qodobbada ay ku heshiiyeen labada dhinac

    Qodobka hore waa in aysan beesha aqoonsanayn, diyaarna u ahayn in ay la shaqayso maamulka Hirshabeelle, kan labaadna waa in uu madaxweynuhu aqoonsado maamulka Hiiraan state.

    waxaa kaloo la sheegay in aan hadda quus la taagneyn oo weli beesha iyo madaxweynaha ay kulamo u socdaan, wuxuuna muujiyey in kulamadaas ay mirodhal noqon doonaan.

    IDILNEWS.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    March 14, 2026

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    March 14, 2026

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    March 14, 2026
    Latest Posts

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    UAE air defences engage 7 ballistic missiles, 27 UAVs

    Shipping through the Strait of Hormuz has collapsed amid the Middle East war.

    Xog:-Tirada Dadka ku dhintay dagaalka Iran iyo Maraykanka-Israa’iil

    Xog:-Khasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaalka Iran?

    Stammer iyo Trump oo kawada hadlay dagaalka Iran

    Gujis Maraykanku leeyahay oo burburiyay Markab Ciidamada Badda Iran leeyihiin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.