Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ku salaysan tahay Booqashada Uganda Ee Xasan Shiikh?
    Somalia

    Maxay ku salaysan tahay Booqashada Uganda Ee Xasan Shiikh?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 27, 2023Updated:April 27, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hal Sano oo safaro ku dhamaaday waxba uma soo kordhin Somaliya.

    Tagidiisa Uganda ee Maanta,waxay ku salaysan tahay Ciidamo Beeleedka 10-ka kun ah qalabayntooda.

    Qodobka ka bixida Ciidamada Atmis Somaliya 2024 uma badna in uu hirgalo,sababtoo ah majiraan Ciidan Qaran oo badalaya.

    BC ee bixisa dhaqaalaha Ciidamada Atmis waxay khaati ka taagan tahay waxqabad xumida,musuqa iyo qorshe la’aantooda.

    Sidoo kale waxay ka niyad jabsan tahay Somalida iyo dadaal xumidooda ay ugu diyaar garoobi waayeen hanashada amniga dalkooda.

    Dalku maleh Siyaasad Amni oo wadata khariirad lagu midaysan yahay.

    Madaxweyne Xasan Qodobadii horyaalay ee ay ahayd in uu waxkaqabto,waxaa ugu muhiimsanaa fulinta iyo isku dubaridka Siyaasada amniga Qaran.

    Balse taa badalkeeda,waxuu ka doortay abaabulka Siyaasada Amniga Beeshiisa iyo diyaarinta Ciidan Beeshiisu ku qabsato Bartamaha iyo Koonfurta Wadanka.

    Somaliya markale ayay ka khasaartay mudo xileed Dowladnimo oo muhiim u ahaa.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.