Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay Taalibaan ku sheegeen shir jaraa’id oo ay maanta qabteen ?
    Somalia

    Maxay Taalibaan ku sheegeen shir jaraa’id oo ay maanta qabteen ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 17, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taalibaan ayaa maanta Kabul ku qabatay shirkeedii jaraa’id ee ugu horreeyey tan iyo markii ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada, waxayna ku dhowaaqeen inay doonayaan xiriir nabadeed oo ay la yeesheen dalalka kale ee caalamka.

    “Ma dooneyno cadow gudaha iyo mid dibedda ah,” waxaa sidaas yiri afhayeenka kooxda Zabihullah Mujahid.

    Zabihullah Mujahid wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday in xuquuqda haweenka lagu ilaalin doonin xuduudaha shareecada Islaamka, loona ogolaan doono inay shaqeeyaan oo ay wax bartaan, “ayna ka dhex muuqaan doonaan bulshada, si waafaqsan shareecada Islaamka.”

    Zabihullah Mujahid ayaa yiri inaan cidna loo ogolaan doonin inay dhulka Afghanistan u adeegsato inay ka qaado weeraro ka dhan ah dalal kale.

    “Waxaan jeclahay inaan u xaqiijiyo bulshada caalamka, oo uu ku jiro Mareykanka, inaan cidna la waxyeeleyn doonin,” ayuu yiri Mujahid.

    “Waxaan jeclahay inaan u xaqiijiyo deriskeena, iyo dalalka gobolkeena inaan ogolaan doonin in dhulkeena loo adeegsado mid ka dhan ah cid kale ama dal kale oo caalamka ka mid ah. Marka dhammaan bulshada caalamka oo dhan ha xaqiiqsadaan inay naga go’an tahay middaas, oo aan la idin waxyeeleyn doonin.”

    Waxa uu intaas ku daray in Taalibaan aysan raadin doonin inay ka aargudato askartii iyo xubnihii dowladdii reer galbeedka uu taageeri jiray ee dalkaas.

    Mujahid ayaa sheegay in la cafiyey askartii hore ee dowladda, qandaraasleyaasha iyo tarjumaanadii la shaqeeyey ciidamada caalamiga ah.

    “Cidna idinma waxyeeleyn doonto. Cidna albaabka idiin ma soo garaaci doonto,” ayuu yiri.

    Afhayeenka Taalibaan ayaa sidoo kale sheegay in kooxda ay dooneyso in warbaahinta gaarka ah “ay sii ahaato mid madax-banaan,” hase yeeshee wuxuu suxufiyiita ku adkeeyey “inaysan ka shaqeyn wax ka dhan qiyamka qaranka.”

    Ballan-qaadyadan ayaa hadda looga fadhiyaa Taalibaan inay ka dhabeyso, waxayna sida ay uga dhabeeyaan ku xirnaan doona sida ay beesha caalamka u wajahdo aqoonsiga dowladdooda.

    VOA

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.