Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Doodaha Laba dhinac Ee DFS iyo GMS halka ay kala taagan yihiin
    Puntland

    Doodaha Laba dhinac Ee DFS iyo GMS halka ay kala taagan yihiin

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 21, 2026Updated:February 22, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Doodaha Laba dhinac ee DFS iyo GMS ay kala taagan yihiin…..

    DFS?

    1.Wax-ka badalka Dastuurka
    ee hadda socda in uu sii socdo oo GMS ay kusoo biiraan soona gudbiyaan qodobada ay kaga aragtida ka duwan yihiin waxkabadlka socda.

    2..Doorashada DG Sadexda ah in lagu qabto qodobada doorasho ee ku jira Dastuurka wax laga badalay,isla markaana ay maamulaan Guddiga doorashada ee lagu dhisay Dastuurka wax laga badalay.

    3.Doorashada Qaran
    In loo magacaabo Guddi hawshiisu ay ku eg tahay oo kaliya talo-bixin iyo talo soo jeedin ku saabsan hannaanka doorashada Qaran.

    Muhiimada DF ee Xasan hogaaminayo ee mudo xileedkeedu gabaabsiga yahay,waa in lala qaato waxkabadalka ay kuwado Dastuurka.

    GMS?

    1.Dastuurka kmg ah ee 2012,waa Dastuurka sharciyeysan ee Dalka u yaalla wax ka badal walba oo lagu samaynayo,waa in uu ku yimaadaa heshiis Qaran oo loo dhan yahay.

    2- Doorashooyinka DG,Sadexda ah,waa in la qabtaa,iyadoo si buuxda loo ilaalinayo mabaadiida Fadaraalka iyo awoodaha Dastuuriga ah ee Labada heer Dowladeed (Dowlada Qaran iyo DG).

    3- Doorashada Qaran,waa in laga gaaro heshiis siyaasadeed ka hir 14-ka April inta uusan dhamaan mudo xileedka Baarlamaanka hada jooga,waana in laga heshiiyaa…..

    B.Hanaanka doorashada.

    T. Jadwalka doorashada.

    J. Maamulka iyo hirgelinta doorashada Baarlamaanka Qaran.

    X. Waa in Doorashadu noqotaa…

    Mid Daahfuran,
    Mid Loo dhan yahay,
    Mid Ka matalaad badan kuwii horeMid la hirgelin karo muda xileedka dastuuriga ah ee uharsan Hay’adaha Fadaraaliga ah.

    Muhiimada dooda GMS,waa doorashada aan kawada xaajoodno intaan ka gudubno dooda aam macnaha lahayn ee Dastuurka,sababtoo ah Dalkan Dastuurkiisu,waa kii 2012.

    Dhanka kale Mw Xasan,waa baajiyay safarkiisii Talyaaniga ee Maanta uqorshaysnaa.

    Sida la sadaalinayo maalmaha soo sicda,waxaa dhici doona kulan,waxayna ubadan tahay Wajiga 1-Aad ee wada hadalada in lagu heshiiyo oo oo balamo Waji Labaad.

    Weftiga PL ee Mw Deni hogaaminayo,waxaa la rajaynayaa Khamiista nagu soo aadan in ay ku soo laabtaan Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo si weyn dib uhabayn loogu sameeyay

    April 8, 2026

    Maxay tahay ujeedooyinka laga leeyahay dagaalka Iran?

    April 8, 2026

    Maxay yihiin Ciidamada Hiilweyne laga soo saaray?

    April 8, 2026
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo si weyn dib uhabayn loogu sameeyay

    Maxay tahay ujeedooyinka laga leeyahay dagaalka Iran?

    Maxay yihiin Ciidamada Hiilweyne laga soo saaray?

    Ugu danbayn Wadaadada Iran oo aqbalay Xabad joojin

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Deni Ee kulanka saraakiisha

    Bangiga PL iyo doorka waxqabadka danyarta

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.