Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Midawga Yurub oo dalal ay ku jirto Somaliya ugu deeqay 60 milyan oo Yuuro
    Somalia

    Midawga Yurub oo dalal ay ku jirto Somaliya ugu deeqay 60 milyan oo Yuuro

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 8, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in deeq lacageed oo dheeraad ah oo ay siinayaan wadamada ay abaartu saameeysay oo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.
     
    Midowga yurub ayaa sheegay in ay wadamadaasi ay abaartu ay saameeysay ay ugu deeqayaan lacag dhan 60 million oo yuuro.
     
    Lacagtaan ayaana qeyb ka ah lacago ay horey midowga Yurub ay ugu deeqeen wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.
     
    War qoraal ah oo ka soo baxay midowga yurub ayaa lagu sheegay in xaaladda wadamada dhaca bariga Afriga ay kasii darayso mar marka ka dambeysa.
     
    Christos Stylianides oo ah madaxa kaalmada Bini’aadnimo iyo ka hortagga musiibooyinka Midowga yurub ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan codsi horay ugu yimid islamarkaana ay badbaadinayaan nolosha dad badan oo ay abaartu ay saameeysay oo ku nool wadamadaasi dhaca bari afrika.
     
    Kaalmadan dheeriga ah ee midowga Yurub ay ku dhawaaqeen ayaana lagu caawin doonaa dadka ay saameeysay abaarta, iyadoo lacagtaa loogu soo iibin doono cunno iyo daawooyin looga hortagaayo nafaqo darrada ku dhacday carruurta ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay wadamadaasi .
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.