Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Midowga Musharixiinta oo farriin adag u diray Farmaajo iyo Rooble (Akhriso)
    Somalia

    Midowga Musharixiinta oo farriin adag u diray Farmaajo iyo Rooble (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 24, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay ka hadleen Arimaha Doorashooyinka dalka iyo tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

    Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay xilka qaadistii Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku sameeyay Agaasimihii Shaqaalaha NISA iyo Taliyihii Nabadsugida Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

    Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa ugu baaqay laamaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya iyo Shacabka in lanilaaliyo Dastuurka dalka lagana fogaado waxkasta oo dib u dhac iyo khilaaf keeni kara.

    ” Goluhu wuxuu soo jeedinayaa in talaabada Ra’iisal Wasaaraha ee lagaga hortagayo xayiraadaha sharci-darrada ah ee ka dhanka ah ee xoriyada safarka muwaadiniinta iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, ay noqoto mid si siman uga hirgasha dalka oo dhan ayaa lagu yiri qoraalka Musharixiinta.

    Ugu dambeyn  Golaha Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay ugu baaqeen  Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Abdullahi Farmaajo in uu ka waantoobo ku tumashada
    Dastuurka dalka oo uu caadeeystay iyo faragelinta joogtada ah ee uu ku haayo geedisocodka dalka u jiheeystay ee ah in ay dhacaan doorasho xor iyo
    xalaal ah oo ku qabsoonta muddada loo cayimay.

    -Dhamaad-

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.