Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mooshin ka dhan ah Ciidanka Kenya oo la hor-geynayo Baarlamaanka
    Somalia

    Mooshin ka dhan ah Ciidanka Kenya oo la hor-geynayo Baarlamaanka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 13, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa wada ololihii u dambeeyay ee ay kaga keenayaan mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya ee jooga qeybo ka mid ah Soomaaliya.

    Kulanka ugu horeeyay ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayaa la filayaa in la horgeeyo ajande uu ka mid yahay Mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

    Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Kenya ay weerar ku tahay dowlad Soomaaliyeed, isla markaana mooshin ka dhan ah Ciidamadeeda ay horgeynayaan Baarlamaanka.

    Waxaa uu ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya in looga baahan yahay inay ka hadasho daan daansiga iyo xadgudubka Kenya ay ku heyso Soomaaliya.

    Dad badan ayaa si aad ah uga hadlayay diyaarad ay la socdeen Wafdi Kenyan ah oo uu hoggaaminayay Aadan Barre Ducaale oo shalay ka degay Kismaayo, si ay uga qeyb galaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, waxaana lagu tilmaamay tallaabadaas mid xadgudub ku ah arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Madax banaanida.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.