Boqorka dalka Britain, King Charles III ayaa sheegay in uu si qoto dheer uga walaacsanahay wararka ku saabsan xariga walaalkiis, Andrew Mountbatten-Windsor iyo tuhunnada ku saabsan ku takri-fal awood xil dadweyne.
Waxaa uu yiri: ‘ Waxaa hadda xigi doona habraac buuxa, caddaalad ah oo sax ah, kaas oo arrintan loogu baari doono si habboon oo ay u fulinayaan hay’adaha ku shaqada leh.
Arrintan, sidaan hore u sheegay, waxay heli doontaa taageeradayada iyo wada-shaqaynteena buuxda si qalbi furan.
Waxaan si cad u sheegayaa: sharcigu waa inuu qaataa jidkiisa.
Inta howshu socoto, ma habboona inaan faallo dheeraad ah ka bixiyo arrintan.
Dhanka kale, aniga iyo qoyskaygu,waxaan sii wadi doonnaa waajibaadkayaga iyo u adeegidda dhammaantiin.

