Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu ku saleysan yahay Safarka Madaxweyne Deni ee Boosaaso ?
    Somalia

    Muxuu ku saleysan yahay Safarka Madaxweyne Deni ee Boosaaso ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 11, 2020Updated:January 11, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa safar deg deg ah ku gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, isagoona saqdii dhexe ee xalay ka amba-baxay Magaalada Garoowe.

    Ujeedada socdaalka Madaxweyne Deni ee Boosaaso ayaa wararku sheegayaan inuu ku qotomo xalinta tabashada qaar kamid ah beelaha Gobalka Bari, xarigii Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Boosaaso, Mashruuca PDG, arrimaha Dekedda Boosaaso oo ay gacanta ku heyso Shirkadda DP World oo aan weli wax ka qaban.

    Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda kulamo la yeesho odayaasha dhaqanka Magaalada Boosaaso, gaar ahaan kuwa dhaliilsan xukuumaddiisa, waxuuna kala hadlayaa daminta xiisadda iyo sii uu ugu qanci lahaa inay la shaqeyaan xukuumaddiisa.

    Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa la kulmay saraakiil ka socota Imaaraadka Carabta oo gacanta ku haya Ciidanka Badda Puntland ee PMPF, kuwaas oo ay ka wada-hadli doonaan arrimaha ku gadaaman Mashruuca PDG oo ah mid dood badan ka taagan tahay.

    Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.