Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu yahay walaaca lasoo dersay Muslimiinta ay Soomaalida ka mid yihiin ee Sweden?
    Somalia

    Muxuu yahay walaaca lasoo dersay Muslimiinta ay Soomaalida ka mid yihiin ee Sweden?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 6, 2023No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dalka Sweden waxaa jiro digniinno loo jeedinayo dadka dalkaasi oo ku saabsan weerarro argagixiso oo laga cabsi qabo in ay dhacaan, arrintaas oo cabsi ku beertay dadweynaha.

    Sidaas darteed waxaa kulan yeeshay laamaha ammaanka ee Sweden iyo qaybo ka mid ah bulshada. Kulanka waxaa si gaar ah loogu casuumay mas’uuliyiinta amniga xaafadaha ajaanibtu ay degto sida Soomaalida.

    Muhiimadda ugu weyn ee kulankan ayaa lagu sheegay inuu ahaa in boolisku dadka siiyaan macluumaad la xiriira waxa qofka la gudboon haddii khatari ay timaaddo .

    Muuse Yuusuf Faarax oo ka mid ah dadkii kulamadas soo abaabulay ayaa BBC-da u sheegay in arrintan ay salka ku hayso rabshadihii ka dhacay Sweden ee la xiriiray gubista Kitaabka Quraanka oo dad badan oo Muslimiin ah ka caraysiiyay.

    “Kulanka waxaa qabanqaabiyay urur la dhaho Ibnu Rushd, waa daladda ugu weyn ay Muslimiinta Sweden leeyihiin xagga waxbarashada sababta ugu weynna waxay ahayd in macluumaad sax ah la siiyo bulshada,” ayuu yiri Muuse Yuusuf faarax.

    “Dalka Sweden waxaa ka socday dhawaanahaanba dibadbaxyo rabashado dhaliyay oo salka ku haya dhacdooyinka soo noqnoqday ee gubista Kitaabka Qur’aanka oo dad badan oo Muslimiin ah ka caraysiiyay waxayna taas sii kordhiso cabsida iyo kala fogaashaha bushada kala duwan ee Sweden.”

    “Kulamada ka dib dadka xaafadaha ajaaniibta waxaa ay heleen macluumaad muhiim ah, kuwaas oo aan inta badan helin macluumaadka ka soo baxa laamaha ammaanka waxaana lagu heshiiyay in hadda ka dib ay dadku helaan macluumaadka laamaha amniga.”

    “Kulanka oo lagu qabtay xaafadda Yarfa ee magaalada Stokholm ayaa waxaa dadka loo sheegay meelaha ay wici karaan haddii uu wax dhaco iyo qaabkii ay isku difaaci laahaayeen.

    Mar sii horreysay hay’adda amniga gudaha ee Sweden SAPO waxay sheegtay in sare loo qaaday heerka feejignaanta amniga ayadoo laga baqayo weerarro argagixiso, ka dib markii dhowr goor lagu gubay Kitaabka Qur’aanka iyo kutubta diimaha kale.

    Ciiddii ayay ahayd markii nin Ciraaq ka soo jeedo uu kitaabka ku hor gubay misaajid hortii iyadoo weliba ay tahay maalin Ciidul Adxa ah.

    Salwan Momika oo xaggiisa danbe ay taagan yihiin askar booliis ah, xilli uu ku sugnaa bannaanka masaajidka Stockholm, isaga oo lulaya calanka dalka Sweden, heesta qaranka ee dalkaasina ay ka ag baxaysay ayaa laba u kala jeexay dabna qabadsiiyey kitaabka qur’aanka kariimka.

    Dalka Sweden waxaa lagu qiyaasaa inay ku nool yihiin Muslimiin u dhaxaysa 250,000 – 400,000, waxaana ka mid ah Soomaali badan oo dalkaas gashay 30kii sano ee u dambeeyey.

    Madaxda Sweden ayaa dareen digniin leh ka bixiyey. Ra’iisul wasaaraha dalkaas Ulf Kristersson walaac aad u weyn ayuu ka muujiyey Khamiistii cawaaqibka ka dhalan kara dibad baxyo kale oo laga sameeyo gubidda quraanka.Momika oo ah Qaxooti Ciraaqi ah ayaa u ololaynaya in dalka Sweden kitaabka laga joojiyo. Waxaana falkiisaas ka cadhooday malaayiin Muslimiin ah oo dareenkooda ku muujiyey baraha bulshada iyo dalka Turkiga, oo falkaas ku tilmaamay waxaan loo dul qaadan Karin.

    Hakan Fidan wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa falkaas ku qeexay wax laga xumaado waxaana uu sheegay in kuwii oggolaaday ay ahaayeen kuwo gacan ka geystay kicinta nacayb loo qaado cid gaar ah. Ankara ayaa lagu yaqaan in si weyn ay uga soo horjeedday helidda xubinimada Iswiidhan ee NATO, sababahana waxaa ka mid ahaa falalka noocan ah. Taas oo Sweden ku ah caqabad weyn, maadaama soo gelintaanka gaashaanbuurta Nato ay ku xidhan tahay helidda codadka ogolaanshaha ee dhammaan dalalka xubint ka ah.

    IDILNEWS.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.