Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Nabadoon Nuur Jaamac Raage oo lagu caleema-saaray Garoowe (Daawo Sawirro)
    Puntland

    Nabadoon Nuur Jaamac Raage oo lagu caleema-saaray Garoowe (Daawo Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 10, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Garoowe ayaa lagu Caleemo saaray Nabadoon Nuur Jaamac Raage oo ka mid noqday duubabka dhaqanka ee Puntland.

    Xafladda oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay waxaa ka qayb galay Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Duqa degmada Garoowe Axmed Barre, guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, Nabadoono, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Ganacsato, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

    Ganacsade Jaamac dhaga dheere oo kamid ah ganacsata Puntland oo ugu horay munaasabada ka hadlay ayaa si wayn u soo dhaweeyay ka soo qaybgalayaasha xaflada , waxa uu sheegay in howshaan muddo ay soo soo socotay, Nabadoon Nuur ayuu tilmaamay in ugu danbayn beeshu ka garatay in la caleemo saaro, hadana loo fadhiyo ansixintiisa.

    Nabadoono, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo guddoomiyayaasha degmooyinka Dangaroyo iyo Garoowe oo Munaasabadda ka hadlay ayaa si wayn u soo dhaweeyay Nabadoonka Cusub ee Caleemo saaray, waxay tilmaameen inuu yahay shakshi hufan oo daacad ah, isla markaana ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.

    Nabadoon Nuur Jaamac Raage oo ah Nabadoonka la caleemo saaray ayaa u mahadceliyay cidkasta oo munaasabadda ka qayb gashay, waxa uu tilmaamay in xilkaan beeshiisu u garatay, sidoo kalena uu horay ugu shaqayn jiray arimaha nabadaynta, waxaana uu codsaday in laga gacan siiyo howsha loo igmaday oo lagu taageero.

    Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo nabadoonka, waxa uu ku baaqay in lala shaqeeyo oo gacan lasiiyo, si uu u guto shaqada loo igmaday.

    Islaan Ciise Islaan Maxamed oo Munaasabadda soo xiray ayaa soo dhawayn kadib sheegay inuu aqoonsan yahay nabadoonka Cusub Nuur Jaamc, isla markaana uu ka rajaynayo in xilka lagu caleemo saaray uu si wanaagsan u gudan doono.

    Nabadoon Nuur Jaamac Raage ayaa si rasmi ah ugu mid noqday Nabadoonada gobolka Nugaal, kadib markii ay soo gudbiyeen nabadoona beesha Axmed Khayr ee Ciise Maxamuud.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.