Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Odayaasha dhaqanka K/galbeed oo eedeeyn kulul u jeediyay DFS
    Somalia

    Odayaasha dhaqanka K/galbeed oo eedeeyn kulul u jeediyay DFS

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 25, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Odayaasha dhaqanka ee Maamulka Koonfur Galbeed, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa Cambaaareeyay xayaraadii dhawaan dowladda Federaalka saartay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo wafdi la socday xili uu doonayay inuu u duulo Magaalada Kismaayo.

    Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in dowladda Madaxweyne Farmaajo si xun ula dhaqmay Sheekh Shariif,isla markaana u diiday inuu ka duulo Garoonka diyaaradaha aadan Cadde xili uu ku wajahanaa Kismaajo,isagoona doonayay inuu qeyb galo Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Maanta dib loo dhigay.

    Odayaasha oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baydbabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa Sheekh Shariif ku tilmaamay inuu yahay nabadoon aadna u dulqaad badan oo wax badan dalkaan  u soo qabtay.

    “Waa nasiib daro aad u weyn Madaxweyne Farmajo inuu ka xishoon waayo ninkii asaga Mareykanka kakeeney oo Ra’iisul Wasaare ka dhigey waxay cadeyn u tahay inuu dalkaan rabo inuu ku hogaamiyo wixii shalay ay Soomaaliya isku dagaashay la gamana yeelaayo taasi “ayay dhaheen Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.

    Ugu dambeyntii, Odayaasha dhaqanka ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegey iney raali gelintii uu Madaxweyne Sharif u sameeyey reer Koonfur Galbeed ay ka aqbaleen ugana mahad celinayaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.