Mw Deni,wuxuu gaaray Nayrobi caasimada Kenya.
Berri oo Khamiis ah wuxuu shir Gudoomin doonaa kulanka Golaha Mustaqbalka Somaliyed oo ka xaajoonaya xaalka Wadanka markale.
Jimcaha,wuxuu Shir Gudoomin doona kulan ballaaran oo dhexmari doona Puntland iyo Beesha caalamka.
Mw Deni,wuxuu kasoo kicitimay Itoobiya oo uu kulan kula soo qaatay Madaxda ugu saraysa Dalkaas.
Ka hor Itoobiya,wuxuu gaaray Imaaraadka oo uu kula soo kulmay Madaxda Wadankaas.
Labadaas Wadan,waxay PL la tahay Jaal Siyaasadeed,amni iyo dhaqaale,waxayna kasoo xaajoodaan xaaladaha cusub ee Geeska.
