Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland iyo Jarmalka oo ka wada-hadlay Xaalada Abaaraha (Daawo)
    Puntland

    Puntland iyo Jarmalka oo ka wada-hadlay Xaalada Abaaraha (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 8, 2019Updated:April 8, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan Arrimaha Abaaraha La Yeeshay wefti balaadhan oo ay hogaaminaysey safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther.

    Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaardda Degaanka Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ka warbixiyey waxyaabihii looga wada hadlay kulanka.

    “Waxaa saakay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Wasiirka Deegaanka iyo anigoo ah wasiirka Arrimaha Gudaha oo ani ah aan la kulanay waftigii Dowladda Jarmalka ka joogay Puntland oo ay hogaaminaysay safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther”

    “Waftigan oo tan iyo shalay kulamo kula jiray Puntland waxaa saaka Madaxweyne Ku-xigeenka iyo wasaaraduhu kala hadleen Arrimaha Abaaraha Puntland ka jira iyo sidii wax looga qaban lahaa, sida aad la socotaan xaaladaas oo hada soo adkaanaysa Puntland ay samaysay dedaalo badan oo ay kamid tahay kutalagal dhinaca biyo dhaaminta ah iyo xiriir badan oo lala sameeyey Beesha Caalamka, maanta waxaan safiirada Jarmalka kala hadalnay siday qayb weyn uga qaadan lahaayeen arrimaha abaaraha kulankaasna waxaa uu ku soo dhammaaday guul” Ayuu yiri Wasiirku.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/PuntlandStateHouseOfficial/videos/366613117395021/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.