Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo ku eedeysay Somaliland inay la socoto Al-Shabaab la wareegay Gacan-maroodi+VIDEO
    Somalia

    Puntland oo ku eedeysay Somaliland inay la socoto Al-Shabaab la wareegay Gacan-maroodi+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 17, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Puntland ayaa ka hadashay maleeshiyaad katirsan Kooxda Al-Shabaab oo maanta la wareegay Degaanka Gacan-maroodi oo hoostaga degmada Yubbe ee Gobolka Sanaag.

    Taliyaha Qeybta 9-aad ee Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ee fadhigoodu yahay Gobalka Sanaag S/ Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur, ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab gacanta ku hayaan Degaanka Gacan-maroodi, isla markaasna ay ka sameysteen Difaacyo qeybo kamid ah xaafadaha Degaanka.

    S/Guuto Canshuur ayaa Sheegay in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee qabsaday Degaanka Gacan-maroodi ay soo gaartay inay tiradoodu gaaareyso 70 dagaallame, isagoona ku eedeeyay Maamulka Somaliland inay gacan saar la lee yihiin Al-Shabaab, ayna la socdaan dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan.

    Sidoo kale, Waxaa uu sheegay in Degaankan ay Maamuleysay Somaliland ayna la yaab ku noqotay markii ay soo gaartay in Degaanka Gacan-maroodi ay la wareegeen Argagixisada Al-Shabaab.

    Degaanka Gacan-Maroodi ayaa hoostaga Degmada Yubbe ee Gobalka Sanaag oo qiyaastii 50-KM dhanka bari ka xigta Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobalka Sanaag, waxaa gacanta ku hayay Ciidanka Somaliland oo bilo kahor ay ku dagaalameen Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.