Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo shaqaalaheeda ku tababaraysa Habka Maareynta Xogta Maaliyadda (VIDEO)
    Somalia

    Puntland oo shaqaalaheeda ku tababaraysa Habka Maareynta Xogta Maaliyadda (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 17, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabatay Tababar ku saabsan Habka Maareynta Xogta Maaliyadda – Qaybta iibka (Automation of Purchasing Module and Commitment control).

    Tababarkan oo ay ka faa’idaysanayaan dhammaan Hay’addaha iyo Wasaaradaha Puntland ayaa ah mid muhiim u ah dib u habeynta Maaliyadda dalka ( Public Finance Reform) sida hirgelinta qaybta iibka (Purchasing and Commitment control module).

    Furitaanka tababarka ayaa waxa ka qayb galay Todobaatan Agaasime iyo madax-qeybeed isugu jira , kana kala socda dhammaan hay’adaha dowladda sida waaxyaha Maamulka Maaliyadda iyo Iibka.

    Xisaabiyaha guud ee Dawladda Puntland Mudane Cumar Saalax Aadan oo tababarka furay ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la hirgeliyo Habka Maamulida Iibka Maaliyadda Dowladda.Tababarkan shaqaalaha ka faa’idaysanaya ayaa loo kala qaybiyay laba kooxood oo mid kasta uu casharada qaadanayo muddo afar cisho ah maadaama laga taxadarayo xanuunka COVID-19.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.