Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Putin oo ku baaqay Qaab-dhismeedka la-dagaalanka Burcad-baddeeda
    Somalia

    Putin oo ku baaqay Qaab-dhismeedka la-dagaalanka Burcad-baddeeda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 10, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Raashiya, Valadamir Putin waxa uu hadalkaasi ka sheegay Kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka xalay ka yeesheen Khatarta Burcad-baddeeda iyo sidii ay Caalamka isaga kaashan lahaayeen Xal-u-helinta Arrintaasi.

    Kulankaasi oo ku dhacay Qaabka Fogaan Aragga ee Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) waxaaa guddoominayey Ra’isul-wasaaraha dalka Hindiya, Narendra Modi, iyadoo ay Hindiya Guddoomiye u tahay 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ee bishan August.

    Madaxweynaha Raashiya waxa uu ku booriyey Golaha Ammaanka ee QM in la sameeyo Qaab-dhismeedka cusub ee La-dagaalanka Dembiyadda Baddaha, iyadoo la waafijinayo Cahdiga QM u degsan, kaasi oo si toos ah lagula macaaltimi doono La-dagaalanka Dembiyadda Baddaha ee ka dhaca Goballo kala duwan.

    Valadmir Putin waxa kale oo uu tilmaamay inay kordheen falalka dhaca Baddaha iyo Xaalladaha Afdubka, iyadoo aysan dhowr Waddan awoodi Karin La-dagaalanka Dembiyada isaga kala gudba dalalka, Burcad-baddeeda iyo Kooxaha Argagixisadda, waa sida uu hadalka u yiri.

    Dhinaca kale, Khudbadda uu Madaxweynaha Rashiya ka jeediyey Kulanka xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxa uu ku soo hadal-qaaday inuu dalkiisa doonayo in la dhiso Iskaashi miro-dhal oo taageero ka geysanaya Amamanka Badweynta Hindiya, Gacanka Beerishiya, Gacanka Gini ee Badweynta Atlantic Ocean, halkaasi oo lagu arkay inay kordhayaan dhaca Baddaha iyo Afduubka.

    Waxa uu intaasi ku daray inuu dalkiisa door ballaaran ka qatay Dhaqdhaqaaqyada arrintasi ee Gudaha QM iyo kuwa Gobaleedka, oo ay ku jiraan Kooxda Isku-xirka ee Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia iyo Madal-gobaleedka Ururka dalalka K/Bari Asiya ee ASEAN iyo Shirarka dalalka Bariga Qaaradda Asia.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.