Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qabrigu waa Qaali : Xasan Shiikh oo Maydadkii Xamar Xaraashaya
    Somalia

    Qabrigu waa Qaali : Xasan Shiikh oo Maydadkii Xamar Xaraashaya

    𝕯𝖗. π—πˆπƒπƒπˆπ†By 𝕯𝖗. π—πˆπƒπƒπˆπ†June 11, 2024No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaan maanta tagay qubuuraha Iskool Boliisiya oo aan u raacay nin saaxiibkey ah oo doonay meydka walaalkiis oo ku dhintay qaraxii Tiyaatarka. Waxaan ka lugeynay iskuulka 21ᡏᡃ Oktoobar, maadaama uu jidku u xirmay jaam ka dhashay gawaari ambalaas u badan oo meydad ka soo qaaday qubuuraha. Intii aan sii lugaynayay waxaan jidka ku sii arkay dad wada barooranaya oo salli ku wado meydadka waalidkood, walaalahood, iyo awlaaddooda.

    Diinta ufasaxaysa in Xasan Maydka faagto waa mida Wahaabiyada ee ku dhisan kala goosiga. pic.twitter.com/jVLRTy85vg

    — Jibril Qoobey (@JibrilQoobey) June 11, 2024

    Qol yar ku dheggan iridka laga galo isbitaalka Yardameeli waxaa fadhiya koox ka socoto Gobolka Banaadir oo boono laga soo jaranayo. Sandaqadaha ka soo horjeedo isbitaalka waxaa hor tuban wariyayaal kaamirooyin sita oo loo diiday in ay qubuuraha galaan.

    Iridka darbiga lagu wareejiyay quruubaha waxaa ku jaran gaari Cabdibile ah. Askar tobaneeye ah oo dadka handadeysa ayaa saaran gaariga. Luuq yar oo bannaan ayay ka galayaan dadka boonooyinka wato ee ay fasaxaan. Inta aadan qubuuraha galin waxaa lagu marsiinayaa baaritaan adag, si loo hubiyo in aadan moobeel wadan, si aadan u soo duubin qarracanka gudaha ka jira. Anigu wariyaha Shabeelle TV, saaxiibkey Zakariye Ahmed Muse oo ka mid ah wariyayaasha bannaanka tuban ayaan moobeelkii u dhiibtay.

    Askari akhyaar ah balse aan go’aanka lahayn ayaa ku jiro. Sarkaal gadaal taagan oo arxandaran ayuu u sheegayaa codsiyada dadka aan boonooyinka haysan. Iridka hore ee qubuuraha waxaa dhooban boqolaal dad ah. Dadka halkan taagan waxaa ka mid ah hooyo waayeel ah oo ku calaacalaysa in fursad loo siiyo in ay gudaha u gasho qubuuraha, si ay u soo hubsato qabriga wiilkeeda oo askari ahaa, ka dibna ay soo raadsato kharashkii ay kula bixi lahayd. Balse lagama aqbalin.

    https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1800562420785778957

    Qubuuraha ayaan gudaha u galnay. Waxaa nagu soo kala orday xoogsato badiillo sidata oo u tartamaya in ay qabriga noo faagaan iyo darawallada gawaari ambalaas ah oo u soo shaqategay in ay maanta halkan ka shaqeystaan.Β  Xoogsade iyo ambalaas kasta ma gali karaan ee kuwaan waxaa keensaday Gobolka Banaadir. Qiimuhu ma go’ana balse faaqista qabrigu celcelis ahaan waa $70, kirada ambalastuna waa $40.

    Waxaan dul tagnay qubuurihii. Dhinac kasta qabri la faagayo ayaa iiga muuqdo. Ehelladii ayaa dul taagan. Tiro ma leh dadka barooranaya ee ii muuqda oo dumar u badan, oo qarracmay markii bannaanka loo soo dhigay meydadkii aan sanado ka hor aaseen. Walaaca ay dadka ugu badan qabaan waa in aysan garaneyn qabriga meydkooda, maadaama aysan qabriyada badankood calaamad lahayn. Waxaa dhinacyadeenna yaacaya dad salli ku daddaaminaya meydadka dad ay jeclaayeen oo ay soo faageen. Waxaa la yaab leh in ehellada qaar loo soo saaray meydkii oo sidiisii ah, qaarna ay qalfooftii kaliya ugu tageen qabriga.Β Β 

    Qoysas badan waxaa caawa u yaallla murugada iyo qarracanka waalid iyo walaal ay sanado ka hor duugeen oo maanta lagu qasbay, lacagna looga qaatay in ay soo bixiyaan, waxayna caawa la hoyanayaan naxdin iyo uurkutaallo ka daran tacsidii u taallay maalinkii ay meydkan aaseen.

    Xasan Dadku lama yaabana oo waa caadadiis waxa uu samaynayo,waxaase la yaab leh kuwa Culumada Diimeed sheeganaya oo ufadwoonaya.

    Kama suurowdo Wadaad Ahlu Sunna ah oo Dariiqiya,waxa ka suurooba Wahaabiyada.

    Dhaqanka Wahaabiyadu,waa sida Gaangiska oo kale kala goosi,waana ku… pic.twitter.com/h1Jja3Uo4V

    — Jibril Qoobey (@JibrilQoobey) June 11, 2024

    20kii sano ee la soo dhaafay oo ay Muqdisho martigelisay dhacdo kasta oo qarracan leh ayaan u soo joogay. Maantase waxaan soo arkay dhacdooyinkii ugu naxdinta iyo argagaxa badnaa ee aan waligey arkay. Waxaa layaab iyo amakaag leh in uu amarkaas ka soo baxay dowlad Soomaaliyeed oo ay u fatwoodeen wadaaddo calooshood-u-shaqeystayaal ah. Wasiir Axmed Macallin Fiqi wuu ka runsheegay markii uu shalay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay ayax dalka ku habsaday. Ayaxii maantana waa kaas qabriyada faagaya. Eebbe ha naga dulqaado.

    Waxaan maanta tagay qubuuraha Iskool Boliisiya oo aan u raacay nin saaxiibkey ah oo doonay meydka walaalkiis. Waxaan ka lugeeyay iskuulka 21ᡏᡃ Oktoobar, maadaama uu jidku u xirmay jaam ka dhashay gawaari ambalaas u badan oo meydad ka soo qaaday qubuuraha. Intii aan sii… pic.twitter.com/i4NdxEfj3t

    — Jibril Qoobey (@JibrilQoobey) June 11, 2024
    W/Q Xuseen Sabriye
    Federal Government of Somalia (FGS) Hassan Sheikh Mohamud Mogadishu Somalia
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Safiirka UK oo farriin gaarsiiyay Madaxweyne Xassan

    June 3, 2025

    CAL-MISKAAD: Khasaare ka dhashay Qarax lala eegtay masuul katirsan Puntland

    June 3, 2025

    Mareykanka oo jaray taageerada Ciidamada DANAB

    June 3, 2025
    Latest Posts

    Safiirka UK oo farriin gaarsiiyay Madaxweyne Xassan

    CAL-MISKAAD: Khasaare ka dhashay Qarax lala eegtay masuul katirsan Puntland

    Mareykanka oo jaray taageerada Ciidamada DANAB

    XOG: Xassan Shiikh oo Xallane kala soo tagay 2 qodob oo halis ku ah mustaqbalkiisa

    Cirro kulan la qaatay Raila Odinga

    DEGDEG: Xubno Daacish ah oo isu soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Farmaajo oo shuruud ku xiray gogasha uu dhigay Xassan Shiikh

    Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallo ka socda Miraale

    Mareykanka oo dhimaya taageerada dhaqaale iyo Milateri ee Somalia

    Faallo:-See Puntland looga arkaa Shirarka iyo Waraaqaha kasoo baxaya Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.