Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaraxyo waa weyn oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso (Sawirro)
    Somalia

    Qaraxyo waa weyn oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 20, 2020Updated:January 20, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidanka amniga ee sida gaarka ah tababaran ee Dowladda Puntland ee PSF-ta, iyo Ciidanka Booliska ayaa fashiliyay Qaraxyo lagu diyaariyay guri ku yaalla Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

    Qoraal goor-dhaweyd lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka PSF-ta,  ayaa lagu sheegay in qaraxyadan oo lagu diyaariyay guri ku yaalla aaga Masjidka Rashiid, la doonayay in lagu dhibaateeyo Shacabka Magaalada Boosaaso.

    “Ciidamada PSF oo iskaashanaya Ciidamada Police  qaybta Gobolka Bari ayaa waxay ku guuleysteen inay Fashiliyaan Qaraxyo lagu diyaariyey Guri ku yaala Magalada Boosaso,qaraxaas oo loogu talo galay in lagu waxyeeleyo Shacabka Reer Puntland ee Magalada Boosaso” ayaa lagu yiri qoraalka Ciidanka PSF-TA.

    Ciidanka PSF-ta Puntland ayaan qoraalkooda ku sheegin in la qabtay kooxdii qaraxan diyaarinayay, waxaana ay ugu baaqeen Shacabka Boosaaso iyo Guud ahaan kuwa Puntland inay la shaqeeyaan Ciidanka amniga si looga hor-taggo falalka Ammaan-darro ee ka dhanka ah.


    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.