Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaxooti Soomaali ah oo laga soo ceshay Dalka Yemen
    Somalia

    Qaxooti Soomaali ah oo laga soo ceshay Dalka Yemen

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta Adduunka ayaa qaxooti Soomaali ah waxaa ay  kasoo celiyeen dalka Yaman,kuwaas oo laga dejiyey Dekadda Magalada Xeebeedka Barbara ee deegaannada Soomaaliland.

    Qaqxootigaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 147 ruux ayaa waxaa ku jira 56 Caruur ah,waxaana Doon looga soo qaaday Dekadda Magalada Cadaan ugu dambeyna laga dejiyay dekadda Magalada Berbera Soomaaliland.

    Dadkaan qaxootiga Soomaalida ah ayaa waxaa saameyn ku yeeshay dagaalada ka socda dalka Yemen, iyada oo sidoo kale ay la soo deristay intey ku sugnaayeen dalka yemen xaalad Bani’aadanimo,taas oo keentay in Soomaaliya dib loogu soo celiyo.

    Afhayeen u hadlay ururka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xilligaan aysan wanaagsaneyn in Soomaaliya lagu celiyo qaxooti amni-darro ka jirta aawgeed,hayeeshee dadka iskood u dalbada ay diyaar u yihiin inay caawiyaan.

    “Amni-darrada ka jirta Soomaaliya ayuu yiri culeyska qaxootiga oo jira,dadka doonaya in guryahooda loo celiyo waanu taageereynaa,dadka markaana geyno berbera waxaan u qaban karno waan ku saacideynaa balse halka ay uga soo gudbayaan iyaga ayaa xor u ah ayuu intaasi raaciyay”

    Dalka Yemen ayaa waxaa uu kamid yahay wadamada dad badan oo Soomalai ah ay qaxooti ku yihiin,kuwaas oo qaarkood ka cararay dagaaladii sokeeye,halka qaarkood ay ku tageen tahriib, iyaga oo doonayay inay dalkaasi uga soo gudbaan Sacuudiga,hayeeshee ay dagaalada ka socda saameyn ku yeesheen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.