Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada oo xalay wada-hadal adag yeeshay
    Somalia

    Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada oo xalay wada-hadal adag yeeshay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 22, 2021Updated:June 22, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamee Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa caawa wada hadal dhanka qadka Zoom-ka ku yeeshay, iyadoo wada hadalkan uu ahaa kii u horreeyay kaddib saxiixii heshiiskii doorashada ee 27 May.

    Ilo ku dhow dhow wada hadalka Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya inay isku raaceen in Sabtida soo socota shir Muqdisho isugu imaan doonaan Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoominaha Gobolka Banaadir.

    Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlayo dardar gelinta doorashada, iyadoo Guddiga farsamada uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ay hordhigi doonaan Golaha Wadatashiga Qorshayaasha doorashada

    Sidoo kale waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabo Guddiga dib u heshiisiinta Heerka Wasiir ee afarta Dowlad Goboleed oo aan ku jirin Jubbaland, kuwaasoo Garbahaarey u tagaya xalinta arrinta Gedo.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.