Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Xoghayaha Jaamacadda Carabta
    Somalia

    Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Xoghayaha Jaamacadda Carabta

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 17, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga dalka Masar ayaa maanta booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta Axmed Abulqeyd.

    Xog-hayaha Jaamacadda Carabta oo Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay booqashadiisa ayaa warbixin ka siiyay qaab howleedka JC isagoo ku soo wareejiyay qeynaha ay ka kooban tahay.
    Dr. Axmed Abulqeyd ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku ammaanay kaalintiisa hoggaamineed ee arrimaha doorashooyinka iyo dib- u heshiinta, isagoo ballan qaaday in Jaamacadda Carabtu ay taageero dhan walba ah la garab joogto Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

    Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta, isagoo tilmaamay in Soomaaliya oo xubin ka ah dalalka Jaamacadda Carabtu ay taageero dheeri ah ka fileyso walaalaheeda ku bahoobay JC, gaar ahan xilligan muhiimka ah ee dalku galay doorashada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.