Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Ra’iisulwasaare Kheyre “Dhammaan waan bixinay deymihii lagu lahaa dowladihii hore” (Daawo)
    Puntland

    Ra’iisulwasaare Kheyre “Dhammaan waan bixinay deymihii lagu lahaa dowladihii hore” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 5, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya labadii sano ee jirtay ee la soo dhaafay ay kordheen dhaqaalaha dalka,isla markaana ay bixisay deymihii lagu lahaa.

    Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa tilmaamay in maalintii ay xilka qabteen ilaa maanta aysan jirin cid dowladda Soomaaliya lacago ku leh,hayeeshee uu sheegay inay bixiyeen 100 Milyan oo Dollar oo lagu lahaa dowladda oo isugu jira mushaarka ciidamada iyo qandaraasyo dad la siiyey.

    “Maalintii aan nimid ilaa iyo hadda dowladda majirto cid deyn  ku leh,waxaana bixinay 100 Milyan oo dowladihii hore lagu lahaa oo sidii ay tahay aan loo maamulin ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kheyre.

    Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kasoo baxday dhamaan shuruudiihii ugu waaweynaa iyo in Canshuurta ay ganacsatada Soomaaliyeed bixiyaan ay mareyso meshii ugu wanaagsaneyd.

    Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay oo shalay ay ugu dambeysay ay jireen Ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan,kuwaas oo sheegay in mudo 4 Bilood ah aysan qaadan.

    Daawo.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.