Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Ra’iisulwasaare Kheyre “Kuwiina Garaadada wata waa inaad Mashaarka gaarsiisan Ciidanka” (Daawo)
    Puntland

    Ra’iisulwasaare Kheyre “Kuwiina Garaadada wata waa inaad Mashaarka gaarsiisan Ciidanka” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul uga hadlay Ciidamada Xoogga dalka ee ka cabanaya mushaar la’aanta heysata mudada 4-ta bil ah, kuwaasoo soo baneeyay deegaano ay difaacyo uga jireen.

    Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay ka hadlayay kulan uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlayay is dhex galka Bulshada iyo Hay’adaha Amaanka, ayaa ka sheegay Ciidanka ay mushaaraadka ka maqan tahay iney yihiin kuwo aan wali la diiwaangelin.

    “Maalmahaan horta waxaa la lahaa Ciidamo ayaa mushaar la siin, qof aan mushaarkiisa iyo xaququdiisa la siin majirto, Inta ay ka maqan tahayna waa inta aan la diiwaan gelin, Fadlan geeya goobaha loogu talagalay, ku diiwana geliya, Xuquuqdoodana aniga iga soo doona” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaca kale sheegay inay joogsatay lacago Malaayiin Doolar ah oo ay mushaar ahaan u bixin jireen dowladaha Mareykanka, Turkiga iyo Imaaraadka Caraba, balse haatan ay lacagtaasi ku bixiyaan Canshuuraha ay shacabka ka uruuriyaan.

    Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 12-ka April ayaa todobaadkan isaga soo baxay deegaanka Dhanaane ee gobolka Sh/Hoose, kuwaasoo aan qaadan wax mushaaraad ah, kana go’day sahaydii loogu geyn jiray xarumahooda, waxaana markii ay ka soo baxeen deegaanka Dhanaane ay la wareegeen Al-Shabaab.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/OPMSomalia/videos/427683941106751/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.