Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Ra’iisulwasaare Kheyre “Kuwiina Garaadada wata waa inaad Mashaarka gaarsiisan Ciidanka” (Daawo)
    Puntland

    Ra’iisulwasaare Kheyre “Kuwiina Garaadada wata waa inaad Mashaarka gaarsiisan Ciidanka” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa si kulul uga hadlay Ciidamada Xoogga dalka ee ka cabanaya mushaar la’aanta heysata mudada 4-ta bil ah, kuwaasoo soo baneeyay deegaano ay difaacyo uga jireen.

    Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay ka hadlayay kulan uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlayay is dhex galka Bulshada iyo Hay’adaha Amaanka, ayaa ka sheegay Ciidanka ay mushaaraadka ka maqan tahay iney yihiin kuwo aan wali la diiwaangelin.

    “Maalmahaan horta waxaa la lahaa Ciidamo ayaa mushaar la siin, qof aan mushaarkiisa iyo xaququdiisa la siin majirto, Inta ay ka maqan tahayna waa inta aan la diiwaan gelin, Fadlan geeya goobaha loogu talagalay, ku diiwana geliya, Xuquuqdoodana aniga iga soo doona” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaca kale sheegay inay joogsatay lacago Malaayiin Doolar ah oo ay mushaar ahaan u bixin jireen dowladaha Mareykanka, Turkiga iyo Imaaraadka Caraba, balse haatan ay lacagtaasi ku bixiyaan Canshuuraha ay shacabka ka uruuriyaan.

    Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 12-ka April ayaa todobaadkan isaga soo baxay deegaanka Dhanaane ee gobolka Sh/Hoose, kuwaasoo aan qaadan wax mushaaraad ah, kana go’day sahaydii loogu geyn jiray xarumahooda, waxaana markii ay ka soo baxeen deegaanka Dhanaane ay la wareegeen Al-Shabaab.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/OPMSomalia/videos/427683941106751/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.