Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Ra’iisulwasaare Kheyre oo Shir guddoomiyay Tubta Horumarinta Dhaqaalaha (Daawo)
    Puntland

    Ra’iisulwasaare Kheyre oo Shir guddoomiyay Tubta Horumarinta Dhaqaalaha (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 18, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta horumarinta dhaqaalaha oo looga hadlay qorshaha dawladda Soomaaliya ay ugu diyaar garoobayso ka qayb galka shirka sannadlaha ah ee ay wada qabanayaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta Aduunka (IMF).

    Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, oo ka war bixiyay kulanka maanta ayaa sheegay in shirka looga dooday wixii Soomaaliya uga qabsoomay shuruudihii lagu xiray cafinta daymaha lagu leeyahay dalka oo gebegeba maraya, falanqayn kadibna Ra’iisul Wasaaruhu uu amray dhammaan wasaaradaha in maalmaha ka dhiman bishaan March ay ku gunaanadaan buuxinta shuruudaha si shirka Washington ee horraanta bisha April ee sannadkaan ay uga qayb gasho dawladdu iyada oo buuxisay dhammaan shuruudihii ku xirnaa cafinta daymaha.

    Shirka April ay Washington ku wada qabanayaan Bangiga Adduunka iyo Hay’adda lacagta Aduunka (IMF), ayaa waxaa kasoo qayb gelaya dhammaan dawladaha daynta ku leh Soomaaliya, waxa ayna dhagaysanayaan warbixinnada Bangiga adduunka, IMF, Midawga Yurub iyo deeq-bixiyayaashu ka gudbinayaan hannaanka ay Soomaaliya usoo buuxisay shuruudihii lagu xiray, ayna waddamadu ku qaadan doonaan go’aan la xariira qorsha ay dalka uga cafinayaan daymaha ay ku leeyihiin.

    Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa rajeeyay in shirkaas kadib Soomaaliya laga cafin doono daymaha, loona furi doono dhaqaalaha adduunka arrintaas oo horseedaysa horumarka dalka

    Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in horumarka dalku uu yahay hadaf guud oo ka dhexeeya shacabka, ganacsatada iyo dawladda, ayna wada ilaashanayaan, ayaa caddeeyay in uu sii socon doono dawlad wanaagga ay dawladdu waddo, waxa uuna dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qaataan qaybta kaga aadan oo ay canshuurta bixiyaan dawladana kula xisaabtamaan waxa ay qabato iyo maamulka maaliyadda.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/sntvnews/videos/2542397429107146/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.