Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Ra’iisulwasaare Kheyre “Weli ma dhamaan Dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab” (Daawo)
    Puntland

    Ra’iisulwasaare Kheyre “Weli ma dhamaan Dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 13, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    KISMAAYO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in weli uusan dhamaan dagaalka dowladda kula jirto Ururka Al-Shabaab, hayeeshee dagaalkaas uusan aheyn mid hadda la dareemayo.

    Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dib u habeyn ku heyso Ciidamada,isla markaana tirakoob guud lagu sameeyey Ciidamada,sidoo kalena la ogyahay tiradooda saxda ah  iyo taliyeyaashooda.

    Waxa uu sheegay  Kheyre iyo saraakiisha ciidamada hoggaamineysa laga qaaday imtixaan ay yihiin dhalinyaro gudan kara waajibkooda Shaqo, kana guuleystaan cadawga dowladda Federaalka sida uu hadalka u dhigay.

    “Waxaan dib u habeyn ku wadnaa ciidamada,waxay nagu qaadatay ku dhowaad laba sano in ciidanka dhamaan la soo tiriyo lana ogaaday meelaha ay kala joogaan,Saddex wiil oo mid 30 Sanno jiro laba min 26 jiraan ayaan ciidanka u dhiibnay, runtii aniga idinla hadlaayo ayaa imtixaan ka qaaday,waxayna muujineysaa godka aan ku dhacnay inta uu la egyahay ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

    Si kastaba dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr mar ku cel celisay inay dib u habeyn ku sameyneyso ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay ugu guuleystaan dagaalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/OPMSomalia/videos/2193367654089066/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.