Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Rooble oo ka qeybgalaya Shir looga hadlayo Hormarinta Waxbarashada
    Somalia

    Rooble oo ka qeybgalaya Shir looga hadlayo Hormarinta Waxbarashada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 28, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada london ee dalka Ingiriiska ayaa Maanta waxa uu halkaasi uga qeyb galayaa shirka caalamiga ah ee horumarinta waxbarashada.

    Shirka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa Arrimaha waxbarashada iyo dhalinyarada iyo sidoo kale sidii horay loogu socon lahaa maadaama Cudurka Coronavirus uu saameeyay waxbarashada Adduunka.

    Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Mocalimu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare rooble uu shirkaasi ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo xaalada waxbarashada Soomaaliya, mid doorashooyinka iyo baahiyaha Guud ee xilligan kajira Soomaaliya.

    Sidoo kale  waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Magaalada london kula kulmi doono Wasiirka Arrimaha dibadda & Ra’iisul Wasaaraha ingiriiska, isla markaana uu kala hadli doono marxalada doorasho ee lagu jiro.

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filaya ain uu si deg deg ah ugu soo laabto Magaalada Muqdisho maadaama uu horkacayo howlaha doorashooyinka ee dhawaan dalka ka bilaabanaya.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.