Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Rooble oo la kulmay Guddiga doorashooyinka xubnaha Somaliland (Sawirro)
    Somalia

    Rooble oo la kulmay Guddiga doorashooyinka xubnaha Somaliland (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 3, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada labada gole ee Gobollada Waqooyi, ayaa sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada.

    Eng. Rooble ayaa tilmaamay in masuuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, isla markaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

    “Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada”.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa horey kulamo lagu xalinayo khilaafaadka ka dhashay hoggaanka guddiyada doorashooyinka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland ula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.