“Waxaan nahay Caruurtii Yurub).
Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka,ayaa khudbad uu ka jeediyay Shirweynaha Amniga Munich quluubta reer Yurub ku gilgilay.
“Ma nihin oo kaliya isbahaysi amni iyo dhaqaale wadaag ah ee,waxaan nahay Dhiig Wadaag”.
“Waxaan jecel nahay Yurub horumar samaysa,waana ka shaqaynaa difaaceeda iyo horumarkeeda in ka badan intaad ka shaqaysaan),Ayuu yiri Rubio.
Xoghayuhu,wuxuu difaacay siyaasada Trump ee loo yaqaan (Danta Qaranka).
Rubio,ayaa sheegay in Qarni cusub oo R.Galbeedku aduunka sii hogaamiyo ay qayb ka qaadan karaan yaraynta Dadka soo galootiga ah iyo soo koobida ganacsiga xorta ah.
Reer Galbeedka,waxaa wal wal ku haya 2100 marka la gaaro hogaaminta caalamka cida uu Gacanta ugali doono.
Afrika iyo Shiinaha,ayaa ka noqon doona tirada Dadka ee aduunka marka la gaaro 2100 7400-Bilyan oo udhigmi doonta 82% Dadka aduunka,halka dhaqaalahana la filayo in ay Afrika oo kaliya ay ka noqon doonto 30%.
Afrika,waxay haysataa kayd khayraad oo badan,halka Shiine haysto Tiknoolajiyad,haday Labadaas isdhaafsadaana ay noqon doonaan cudud xoogan.
