Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ruushka oo si weyn ugu jabay dagaalka Bariga Ukrain
    Somalia

    Ruushka oo si weyn ugu jabay dagaalka Bariga Ukrain

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 2, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    In ka badan 20,000 oo askari oo Russian ah ayaa ku dhintay, 80,000 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen shan bilood oo dagaal uu ka socday bariga Ukraine, gaar ahaan Bakhmut, waxaa sidaas Isniintii sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.

    “Waxaan qiyaasaynaa in Ruushka uu la kulmay khasaare ka badan 100,000, oo ay ku jiraan in ka abdan 20,000 oo la dilay,” ayuu weriyayaasha u sheegay afhayeenka Golaha Amniga Qaranka John Kirby.

    “Isku daygii Russia ee weerarka Donbass, gaar ahaan Bakhmut, waa uu fashilmay… Russia waa ay ku guuldarreysatay inay qabsato dhul la taaban karo oo muhiim ah,” ayuu yiri.

    Kirby oo soo xiganaya warbixin sirdoon oo Mareykan ah, ayaa sheegay in kala bar kuwa la dilay ay ahaayeen askar ay soo qortay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Wagner, oo inta badan ciidanka kasoo qorata xabsiyada Ruushka.

    Khasaraaha dagaalka — oo inta badan ka dhacay Bakhmut, halkaasi oo ciidamada Ukraine laga saaray magaalada waxyar mooyee — ayaa ah tan iyo billowgii December, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka.

    “Isku dayga dadaalkan, gaar ahaan Bakhmut, wuxuu ku fariistay qiime culus. Russia waxay hurtay inta badan hubkeeda iyo ciidankeeda,” ayuu yiri Kirby.

    Kirby ayaa sheegay inuusan bixineyn qiyaasta khasaaraha Ukraine, sababtoo ah buu yiri “waa dhibanayaasha, Ruushkana waa kuwa gardarrada wada.”

    Aqalka Cad banaanka ma keenayo “akhbaar xaaladda kusii adkeyn karta” xulufo Reer Galbeed oo ciidankooda ay tababaraan ama hubeeyaan isbaheysiga dalalka Mareykanka uu hoggaamiyo, ayuu yiri Kirby.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.