Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Saameynta xayiraadda Dowladda Federaalka ay saartay Jubbaland ma waxay kusoo ururtay shacabka oo keliya ?
    Somalia

    Saameynta xayiraadda Dowladda Federaalka ay saartay Jubbaland ma waxay kusoo ururtay shacabka oo keliya ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 26, 2019No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maamulka Jubbaland oo ay Dowladda Federaalka saartay xayirad dhanka duulimaadyada ah ayaa tallaabadaas waxay u muuqataa mid “saameynteeda kusoo ururtay shacabka Jubbaland oo keliya”.

    Saameynta ay shacabka ku yeelatay

    Xayiraadda ayaa sida muuqata saameyn ku yeelatay shirkadaha diyaaradaha iyo shacabka Jubbaland ee isaga kala goosha deegaanaadas, oo waxaa sare u kacay qiimaha lagu raaco duulimaadyada iyo saacadaha duulimaadka oo ka dheeraaday sidii hore.

    BBC-da oo la xirirtay mid kamid ah shirkadaha duulimaadyada ee tegi jiray Dhoobley iyo Kismayo ayaa sheegay in markii hore qiimaha uu ahaa 90 doolar, balse hadda qofka doonaya in uu tago Kismayo uu ku khasban yahay in uu sii maro Muqdisho oo uu bixiyo lacag dhan 270 doolar.

    Waxay shegeen in ay adag tahay in qofka rakaabka ah ee ka yimaada Dhoobley uu isla maalintaas tago Kismayo, oo uu khusaban yahay in Magaalada Muqdisho uu ku nagaado habeen, si uu maalinta xigta ugu safro Kismayo.

    Qaar kamid ah shacabka Jubbaland ayaa sheegay in go’aanka dowladda uu saameeyay nolashoda.

    “Wafidgii caleemasaarka ee Axmed Madoobe waxay ka kala yimaadeen Nairobi iyo Puntland, madaxweyne ku xigeenka maalin dhaweyd Kismayo ka tegay oo wuxuu ka degay Ceelwaaq, Madaxweynaha Jubaland ayaa u dambeeyay oo shalay ayaa wuxuu ka degay Nairobi, Jubbaland waa ay socotaa, siyaasi waxba kuma la’a meesha ee dhibaatada iyo cunaqabateynta waxay ku habsatay shacabkii masaakiinta ahaa”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay Ugaas Xuseen Qorane oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee Jubbaland.

    Sidoo kale qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ayaa su’aal geliyay ujeedada dhabta ah ee xayiraadda Dowladda Federaalka kusoo rogtay duulimaadyada Kismayo.

    “Haddii uusan Axmad Madoobe ka celin karin in uu si toos ah Nairobi ugu duulo, muxuu madaxweyne Farmaajo u ciqaabayaa shacabka Jubbaland. Diyaarada dhoobleey tagta ee tikitkeedu $80 ahaa, duulimaadkeeduna 20 daqiiqo, haatan waa $250 iyo 5 saac oo duulimaad ah, sababtuna waa in ay Muqdisho soo marto, su’aalo iyo baaritaan lagu sameeyo. Waa dulmi cad waana in aan ka dhiidhino, dhamaanteen u doodno shacabka Jubbaland”, sidaas waxaa bartiisa Facebook ku qoray hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdi-Shakuur.

    Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa 29-kii bishii 8aad ee sanadkan xayiraad kusoo rogtay maamulka Jubaland, kadib markii ay sheegtay in doorashooyinkii ka dhacay Jubaland ay ahaayeen kuwa baalmarsan dastuurka.

    Hay’adda duulista hawada ee Soomaaliya ayaa shirkadaha diyaaradaha ku wargelisay in dhamaan duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ee kusii jeedaa Magaalada Kismayo ay soo maraan Muqdisho.

    BBC-da ayaa la xiriirtay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, si ay uga jawaabto arrintan iyo ujeedada dhabta ah ee xayiraadda, balse wali wax war ah kama aanan helin.

    Siyaasiyiinta aan u hoggaansamin xayiraada

    Siyaasiyiin badan ayaa ka qeybgalay caleemasaarka madaxweyne Axmed Madoobe
    Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maalin kahor toos uga soo duulay Magalaada Kismayo, kana degay Nairobi.
    Ku xigeenkiisa, Maxamuud Sayid Aadan ayaa isna maalma kahor diyaaraddii waday ee ka soo duushay Kismayo waxay toos uga degtay Magaalada Celwaaq, halkaas oo markii dambe uu uga sii gudbay Magalaada Baledxaawo, isgaoo sii maray dalka Kenya.
    Markii la caleema saarayay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), waxaa Nairobi ka timid oo magaalada Kismayo toos uga degay diyaarad ay la socdeen madaxweynayaashii hore ee maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, kuwaa oo jebiyay amarkii dowladda ee ahaa in diyaaradaha tagaya Kismayo ay soo maraan Muqdisho.
    Sidoo kale Dalka Kenya waxaa ka tegay oo Kismayo toos u cagadhigtay diyaarad ay la socdeen wafdi ka socday dalka Kenya oo ka qeybgalay xafladda caleemasaarka Axmed Madoobe, kuwaas oo ka madax adeegay amarka dowladda federaalka ee ahaa in ay Muqdisho soo maraan.
    Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa isaguna aanan u hogaansamin amarka dowladda ee ah in diyaaradii uu la socday ay soo marto Magaalada Muqdisho.
    Dowladda ayaa horay u shegtay in u jeedada amarka duulimaadka u ahaa la socodka dhaqdhaqaaqa dadka u socdo kana imanaya Kismayo. Balse dad badan ayaa u arkay inay tahay dadaal ay dowladda ku xaddideysa dhaqdhaqaa siyaasiinta Jubbaland tageysa ama ka imaaneysa.

    Hasayeeshee waxaa muuqata in maamulka Jubbaland aysan wax saameyn ah ka soo gaarin xayiraadda dhanka duulimaadyada marka loo eego shacabka oo culeys dhaqaale kala kulmay xayiraadda, waxaase aan la ogeyn waxa xiligan la joogo Dowladda Federaalka ay ka damacsan tahay xayiraadda siyaasiyiin badan aysan u hogaansamin.

    Xigasho: BBC Somali

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.