Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»SABABAHA HORTAAGAN KACDOON DHALLINYARO
    Somalia

    SABABAHA HORTAAGAN KACDOON DHALLINYARO

    𝕯𝖗. 𝐗𝐈𝐃𝐃𝐈𝐆By 𝕯𝖗. 𝐗𝐈𝐃𝐃𝐈𝐆August 6, 2024Updated:August 6, 2024No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dalkeennu ma u baahanyahay kacdoon dhallinyaro? Jawaabta waa HAA.

    Hadda suurtagal ma tahay?
    Jawaabtu waa MAYA.

    SIDEE AYAANAY KU AHEEYN SUURTA-GAL?
    Su’aalahaan ayaa kaaga jawaabaya.

    Markii kacdoon la abaabulayo waxaa asal ah in qodobadaan hoos ku qoran la isla waafaqsanyahay.

    Shuruudaha koowaad.

    1. Waa in la isku raacsanyahay maamulka bulshadu karahday/la nacday, ee kacdoonkaas lagu ridayo,
    2. Asbaabaha iyo doodda loo ridayo?
    3. Yaa ridaya?
    4. Maxaa xigaya oo qorshe ah markii la rido?
    5. Maxaa loo baahanyahay si qorshahaas loogu dhaqaaqo?

    Markii intaas la isla garto, waxaa iyana u baahan in la isku waafaqo jawaabaha su’aalahaan;

    • Waa kee cadowga koowaad ee maanta ay tahay in ay dhallinyarada soomaaliyeed beegsato?

    •  Ma dowladda toogoowday ee federaalka ah?
    • Ma khawaarirja Alshabaab?
    • Ma mamul goboleedyada musiibada noqday?
    • Ma damaca xabashida ee baddeenna
    • Ma Imaaraatka na dhaxal rogaya?
    • Ma wadaadada kala fikradaha duwan?
    • Ma xaaraanta Xalane noo fadhisa?
    • Ma ganacsatada daawada iyo raashinka dhacay keenta xajkana kaaga horreeysa mise koox kale?

    Tanna waa qeyb kale oo su’aalo ah;

    Maadaama dalalka kacdoonnada ka dhacaan oo ah Bangaaladeesh ugu danbeeysay ay yihiin dalal nidaamsan, ciidan leh, dastuur la isla ogolyahay uu u qoranyahay, sharcigoodu xoogganyahay, maxkamado dastuuri ah ay u dhisanyihiin, innaga maxaa noo nidaamsan oo aan kacdoon ku sameeyn karnaa? tusaale;

    [B] Haddii kacdoon laga sameeyo caasimadda dalka maxaa laga yeelayaa shanta maamul goboleed?

    [T] Haddii kacdoon lagu sameeyo dowladda federaalka ah ee aan talada ka tuurno, ma waxaa jira ciidan noo nidaamsan, dalka oo dhan gacanta ku haya, la aamini karo oo inta dadweynaha talada loo celinayo dalka sii heeyn kara? ma taqaan ninka hadda taliyaha ciidanka noogu magacaaban? mise inta Xasan saarno ayaan Ganacsade Ibrahim Muxyaddiin ku baddalnaa? tusaalaha waad la yaab tahay ayaan filayaa!!

    [J] Kacdoon qurbaha lagama billaabo ee dalka-kasta caasimaddiisa iyo xarumaha dowladda fadhiso ayaa laga abaabulaa, sidaas daraadeed, dhallinyarada Muqdisho hadda ma u diyaarsanyihiin qorshe kacdoon dhallinyaro la xariira?

    [X] Aniga ogaalkeey, dhallinyarada caasimaddu labo kacdoon ayay sameeyeen 20-kii sano ee la soo dhaafay, mid kamid ah sannadkii 2006 ayay maxkamadaha islaamiga ku dhaliyeen iyo sannadkii 2017 oo ay Farmaajo talada dalka saareen, labadiiba hoggaamiyayaashii ay u hiilliyeen (Godane, Xasan Daahir Aweys, Shariif iyo Farmaajo) maanta halkee ayay kala taaganyihiin iyaga iyo dhallinyarada caasimadda Muqdisho ku nool?

    [KH]  Sidee loo heli Karaa aaminaada dhallinyarada dalka oo dhan, gaar ahaan kuwa caasimadda jooga inta aan tallaabo kacdoon la xariirta la soo hadalqaadi karin la’aantood maadaama ay ka aaminaad bexeen labeentii bulshada iyo fikradaha dusha looga keeno?

    [D] Dalalka kacdoonnada laga sameeyo waa dalal au madaxtooydu diideen in ay kuraasta banneeyaan, innagu ma sidaas ayaan nahay mise waa maya oo waxaan nahay dal siyaabo kale iskaga liita laakiin dimoqoraadi ah oo 4 sano kasta doorasho la qabto, lagu kala adkaado, si nabdoonna xilka la iskugu wareejiyo?

    Su’aalahaas markii jawaabahooda aan isla waafaqno ayaan gali karnaa qorshe kacdoon oo guuleeysta inta intaas ka horreeysa qofkii ku dhaqaaqa dhankaas ee dhaqaajiya qorshahaas wuu iiga dheereeyaa dhallinyaro iyo abaabulkeed kutubada kacdonnada la xariira ayaanan mowliciisa ka aqrisan doonaa.

    Wa billaahi Towfiiq.


    WQ:// Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare Cali)

    Faallo Soomaaliya
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Safiirka UK oo farriin gaarsiiyay Madaxweyne Xassan

    June 3, 2025

    CAL-MISKAAD: Khasaare ka dhashay Qarax lala eegtay masuul katirsan Puntland

    June 3, 2025

    Mareykanka oo jaray taageerada Ciidamada DANAB

    June 3, 2025
    Latest Posts

    Safiirka UK oo farriin gaarsiiyay Madaxweyne Xassan

    CAL-MISKAAD: Khasaare ka dhashay Qarax lala eegtay masuul katirsan Puntland

    Mareykanka oo jaray taageerada Ciidamada DANAB

    XOG: Xassan Shiikh oo Xallane kala soo tagay 2 qodob oo halis ku ah mustaqbalkiisa

    Cirro kulan la qaatay Raila Odinga

    DEGDEG: Xubno Daacish ah oo isu soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Farmaajo oo shuruud ku xiray gogasha uu dhigay Xassan Shiikh

    Wararkii ugu dambeeyay ee howlgallo ka socda Miraale

    Mareykanka oo dhimaya taageerada dhaqaale iyo Milateri ee Somalia

    Faallo:-See Puntland looga arkaa Shirarka iyo Waraaqaha kasoo baxaya Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.