Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Safiirka Maraykanka Ee Somaliya iyo Rooboow oo si gooni ah ugu kulmay…
    Somalia

    Safiirka Maraykanka Ee Somaliya iyo Rooboow oo si gooni ah ugu kulmay…

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 1, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho oo martigelisay Casho ku aadan Bisha barakaysan ee Soonqaad.

    Dadka goob jooga ka ahaa,waxaa ka mid ahaa basaasiinta ugu weyn CIA-da Muqdisho iyo Roobow oo ahaa hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo tababar la qaatay al-Qaacidada Afgaanistaan.

    Sanadkii 2012-kii,maamulkii Obama,ayaa ku yaboohay lacag dhan 33-Milyan oo dolar si loo helo xog ku saabsan halka ay ku sugan yihiin xubnaha ugu sareeya kooxdaas oo uu ku jiray.

    Balse isla sanadkaas, Roobow waxa ay isku dhaceen Amiirkii kooxda — Axmed Godane, oo ay dishay dukheyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka 2014-kii.

    Rooboow,ayaa sanadkii 2017-kii uu isku soo dhiibay Dowladda Somaliya, kadib wada hadalo qarsoodi ahaa oo dhacay.

    Miyaysan ahayn wax iswaydiin mudan sida hogaamiyihii hore ee Al-shabaab iyo Safiir Maraykan ah ay keli iskugu noqon karaan.

    Tani waxay ku tusaysaa midabka rasmiga ah ee Alshabaab iyo in ay yihiin jilayaal hunguri weyn ku jiro oo mustaqbalkooda iyo jeebkoodaba ka fakara.

    Safiir Andre,ayaa lagu bedelay Richard Smith, oo ah Safiirka cusub ee Somaliya xiliga kala-guurka ah.

    Cashadan,ayaa dhanka kale loo fasiri karaa in ay tahay casho sagootin ah ee Safiirka baxayas sameeyay.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.