Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Safiirka UK oo musharixiinta ku qancisay sababta ay Farmaajo ugu wareejisay warqadaha aqoonsiga
    Somalia

    Safiirka UK oo musharixiinta ku qancisay sababta ay Farmaajo ugu wareejisay warqadaha aqoonsiga

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 13, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safiirka cusub ee Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya, Kate Foster, ayaa kulan dhanka Internet-ka la qaadatay xubnaha Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha si ay uga wada hadlaan ismariwaaga siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sida loogu gudbi karo .

    Golaha Midowga Musharixiinta ayaa safiirka waydiiyay sababta ay warqadaha aqoonsiga safiirnimo ugu wareejisay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha Mudo xilleedkiisu dhamaaday.

    “Kulan wax ku ool ah oo aan la yeelanay Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha goor hore. Waa muhiim in dhammaan codadka la maqlo. U.K waxa ay ku boorinaysaa dhammaan dhinacyada in ay sii wadaan wadahadalka isla markaana la helo waddo loo maro in la gaarsiiyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhan yahay.” Ayay Foster ku tiri qoraal ay barteeda Twitterka ku soo qortay.

    Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xalay ka qeybgalay dood lagu qabtay bar-kulanka Club House  ayaa sheegay in ay safiirka cusub waydiiyeen sababta ay warqadaha aqoonsiga ugu wareejisay madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday balse ay bixisay jawaab ay ku qanceen sida uu hadalka u dhigay.

    Warsame oo la waydiinayay su’aalo toos ah ayaa sheegay in Kate Foster ay ku qancisay in aysan dalka ka shaqayn karin iyada oo aan warqadaha aqoonsiga ku wareejin madaxweynaha mudo xilleedkiisu dhamaaday iyada taas xeerinaysana ay go’aanka wareejinta warqadaha aqoonsiga u qaadatay.

    Waxa uu sheegay iyaga oo qadarinaya kaalinta beesha caalamka isku keenida dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ku qanceen cudur daarka safiirka Cusub ee Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya.

    Foster waxay waraaqihiisa aqoonsiga u gudbisay Madaxweyne Farmaajo Arbacadii. Khamiista, waxay horey u sii diyaarisay fadhi ay la yeelato madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Madoobe Isniinta magaalada Muqdisho si loo dhageysto mowqifkiisa ku aadan carqaladeynta doorashada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    December 24, 2025

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    December 24, 2025

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    December 24, 2025
    Latest Posts

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.