Safiirkiirkan markii horaba wakhti,waa ka dhamaaday oo in uu baxo,ayuu udiyaarsanaa.
Caadiyan marka Madaxweyne la doorto Maraykanka,waxaa iscasila dhamaan Safiirada dibada oo idil,markaas,ayuu Madaxweynuhu aqbalaa ama dib uceshaa.
Haatan,waxay ubadan tahay in uu soo magacaabi doono safiiro cusub Trump.
Siyaasada maamulka Trump ee Somaliya,waxay ku dhisan tahay danta Maraykanka,ayaa mudnaanta leh oo aan la diblomaasiyadayn.
Maraykanku,wuxuu qorshaynayaa in uu Berbera usoo raro saldhigiisa Jabuti.
Sidoo kale,wuxuu diyaarinayaa in Saldhigiisa Ballidoogle uu usoo raro Bosaso.
Dhanka kale ka ilaalinta Shiinaha ee geeska Afrika,wuxuu u adeegsanayaa gacmihiisa Turki iyo Imaaraad.
Maraykanku horay,wuxuu ubari taari jiray dowlada dhexe ee Somalida,waase ku hungoobay oo horay ayay usocon wayday,waana sababta keenaysa in uu ka fakaro soo celinta siyaasadii Laba wajiilaynta ee SL,PL iyo SC.
SL& PL,wuxuu la leeyahay Maraykanku,wada shaqayn wanaagsan,wuxuuna ku qancay in ay yihiin nidaamyo masuul ah oo la aaminio karo.
Maraykanku,waa deeq bixiyaha ugu weyn markay timaado Somaliya,wuxuuna ku bixiayay $1.6 Bilyan taageerida hawlgalka xasilinta midowga Afrika ee Somaliya ilaa maalinkii uu bilowday.
Sidoo kale Maraykanku $2-Bilyan oo kale,ayuu ku bixiyay barnaamijyada horumarinta iyo siyaasada Somalida Tobanaankii Sano ee udanbeeyay.
Wuxuu kaloo Maraykanku dhaqaale geliyay dhismaha Ciidamo ay yeelato DFS.
