Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Saraakiil sare oo kamid Ciidanka Puntland oo xabsiga la dhigay
    Somalia

    Saraakiil sare oo kamid Ciidanka Puntland oo xabsiga la dhigay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 5, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in Xabsiga loo taxaabay Maxamuud Cabdullqaadir Sumaysane oo ahaa Talyihii Ururka 21-aad ee Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland iyo Cali Jamhad oo agaa Taliyaha Ururka 13-aad ee Ciidanka Daraawiishta.

    Xiraga Saraakiisha ayaa yimid kaddib markii darajooyinkii lagala laabtay, iyadoona Ciidanka amnigu ay soo xireen.

    Saraakiishan la xiray ayaa hoggaaminayay Ciidan habeeno kahor soo dul-dagay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, kaddib markii ay soo baneeyeen Jiidaha dagaalka, waxaana Ciidankan ay ka cabanayeen Mushaar ka maqan Labo bilood.

    Ciidanka cabanayay ayaa la siiyay Mushaarkoodii iyadoona lagu amray inay dib ugu laabtaan Jiidaha ay soo baneeyeen.

    Taliska sare ee Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland ayaa horey ugu eedeeyay qaar kamid ah Saraakiisha Ururada Ciidanka inay hor-taagan yihiin Tirakoobka iyo Tayeynta Ciidanka ee ay waddo Xukuumadda Madaxweyne Deni, waxaana la filayaa in dhowaan la xareeyo inta badan Ciidanka Daraawiish-ta oo loo furayo tababaro.

    Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    March 23, 2026

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    March 23, 2026

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    March 23, 2026
    Latest Posts

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Saamaynta Dhaqaalaha aduunka Ee dagaalka lagu hayo Wadaadada Iran

    Qorshaha Trump Ee dagaalka Iran iyo Todobaadka Afraad?

    Roobabkii Guga oo ka curtay Puntland

    Sadex Todobaad kadib iyo dagaalka Wadaadada Iran ka dhanka ah?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.