Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sarkaal kala goostay Puntland Gaadiid dagaal iyo Hub oo lasoo qabtay
    Somalia

    Sarkaal kala goostay Puntland Gaadiid dagaal iyo Hub oo lasoo qabtay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 8, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Isagoo Jeebaysan,ayaa lasoo qabtay Sarkaalkan isku dayay in uu la goosto Gaadiid dagaal oo Ciidamada Daraawiishta PL leeyihiin.

    Waxuu ka mid ahaa Ciidanka fadhiya Kalabayr oo ah difaaca Buuraha Bari ee argagixisada lagala diriro.

    Sadex Gaari oo ka mid ah,Gaadiidka Ciidamada ee difaaca kaga jiray halkaas,ayuu la tagey.

    Dowladu amar ayay ku bixisay in laga daba tago,waxaa lagu guulaystay Laba Gaari markii hore laga soo qabto,waxuuna la fakaday Hal Gaari oo uu ula leexday dhanka Baadiyaha Soolka.

    Ugu danbayn meel udhow Xudun,ayaa looga daba tagey oo Gacanta lagu soo dhigay isaga iyo Gaarigii uu la baxsaday.

    Sidaanoo kale,ayuu PSF horay ugala soo goostay Sarkaalkan Gaari,waase laga qabtay.

    Ujeedkiisu,waxuu ahaa in si Tuugnimo ah ula tago oo ku raadgato dagaalka Laascaanood.

    Sagaal Urur oo ka mid ah Daraawiishta PL,ayaa difaac uga jira Buuraha iyo Laamiga dheer,kuwaasoo la dirira Ururada argagixisada ah.

    Madaxweyne Deni,ayaa Eeda Ninkan iska leh,sababtoo ah,isagoo looga digayo,ayuu umagacaabay Talye Ciidan.

    Dhaqamada khaldan ee Deni wax ku xusho,ayaa waxaa ka mid ah..

    B.Yaa PSF kasoo goostay ama la dirirsan.
    T.Yaa ii Dhaga nugul.
    J.Yaan war igu soo celin karin.
    X.Yaan aragti iga saraysa lahayn.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.