Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Saudi Arabia: Ganacsiyadu waa in ay furnaadaan xilliyada salaadaha
    Somalia

    Saudi Arabia: Ganacsiyadu waa in ay furnaadaan xilliyada salaadaha

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 17, 2021Updated:July 17, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah ugu oggolaatay ganacsiyada in ay furnaan karaan xilliyada la tukado shanta salaadooda.

    Dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2017-kii waxa uu sameeyay isbadallo ballaaran oo dhanka dhaqaalaha iyo bulshada ah kuwaasi oo lagu doonayo in lagu yareeyo ku tiirsanaanta boqortooyada ee saliidda.

    “Dukaamada iyo ganacsiyada kale ayaa sii furnaan doona maalinta oo dhan iyo gaar ahaan xilliyada salaadaha,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Rugta Ganacsiga ee dalkaasi.

    Go’aankan ayaa qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah faafista coronavirus waxaana looga gon leeyahay in laga fogaado “saxmadda iyo safafka dhaadheer ee albaabada dukaamada xiran xilliyada salaadda”.

    Sacuudiga ayay ka jirtay siyaasad ku qasbeysa dukaamada in ay xiraan xilliyada la tukanayo shanta salaadood ee waajibka ah taasi oo isku dar shaqaallaha ka jareysa laba saacadood, waana dalka kali ah ee dunida Muslimka ee ay ganacsiyada qassab ku ahayd in ay albaabada u xiraan xilliyada salaadda la tukado.

    Shuruucdan cusub ayaa meesha ka saaraya xayiraadihii oo ay xubnaha golaha shuurada ku sheegeen in dhaqaalaha Sacuudiga ay sanadkii uga lunto tobanaan bilyan oo riyaalka dalkaasi ah.

    AFP/VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Israel announces official recognition of Somaliland as independent state

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.