Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Sawirro: Taliyihii Ciidanka GORGOR oo muddo Afar cisho kadib lagu Aasay Muqdisho
    Puntland

    Sawirro: Taliyihii Ciidanka GORGOR oo muddo Afar cisho kadib lagu Aasay Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 22, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa maanta lagu aasay Muqdisho Meydka Taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsanaa Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka G/lle Maxaadeey oo habeenkii Sabtida lagu dilay is rasaaseyn ka dhacday nawaaxiga Ex Hotel Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho.

    Waxaa muddo afar cisho ka taagnaa muran ka dhashay in la aaso, kaddib markii eheladiisa ay dalbadeen la caddeeyo cida ka dambeysay dilkiisa oo noqotay mid isku tuur tuur ah, waxaana kama dambeys laga gaaray xal la isku afgartay in la aaso, mas’uuliyadana uu qaato Wasiirka Amniga, maadaama Ilaalada Hotelka uu leeyahay ay qeyb ka ahaayeen is rasaaseyntii lagu dilay Taliyaha.

    Aaska Marxuum Maxaadeey ayaa waxaa ka soo qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta kumaandoosta.oday dhaqameedyo ay ka mid ahaayeen Iimaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo ehelada iyo asxaabta marxuumka.

    Ex Gaashaanle Maxaadey Salaymaan ayaa ifka ugaga tegey xaas iyo shan carruur ah ayaa waxaa hore ugaga soo shaqeeyay madaxtooyada dalka iyo magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.