Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shabaab oo la wareegay Saldhigyadii Ciidamada Dowlada Somaliya Ee Hiiraan iyo J.hoose
    Somalia

    Shabaab oo la wareegay Saldhigyadii Ciidamada Dowlada Somaliya Ee Hiiraan iyo J.hoose

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 29, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kooxda Al-Shabaab,ayaa sheegtay in weeraro saaka aroortii hore ay ku qaadday saldhigyo ciidamada dowladda ku leeyihiin Gobollada Hiiraan iyo Jubbada hoose ee dalka Somaliya.

    Weeraradaas ayay ku dileen 32-Askari, sida ay baahisay warbaahinta taabacsan kooxdaasi.

    Al-Shabaab,ayaa si buuxda usheegatay mas’uuliyadda weeraradan.

    Tuulada Baardheere ee dhacda duleedka Beledweyne,ayay ku dileen 15-Askari halka Baar Sanguuni oo duleedka Kismaayo ahna ay ku dileen 17-Askari.

    Waxay sidoo kale kooxda sheegatay in si buuxda ay ula wareegtay gacan ku heynta saldhigyadaas.

    “Al-shabaab waxay saakay oo Arbaco ah weeraro ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ee deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka Kismaayo ee Jubada Hoose iyo deegaanka Baardheere ee duleedka Baladweyne ee Hiiraan,waxayna si buuxda gacanta ugu dhigeen labada saldhig ee ay ku sugnaayeen.” Ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda Al-Shabaab.

    Dhanka Dowladda Somaliya weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin weerarada lala beegsaday xeerooyinka Ciidamada.

    Ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya weeraradan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.