Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shan Inammood iyo Aabbahood [Sheekaxariirooyinka Ciid iyo Ceelcad,WQ.Maxamed C. Xasan ‘Alto’
    Somalia

    Shan Inammood iyo Aabbahood [Sheekaxariirooyinka Ciid iyo Ceelcad,WQ.Maxamed C. Xasan ‘Alto’

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 24, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shan Inammood iyo Aabbahood [Sheekaxariirooyinka Ciid iyo Ceelcad]

    Waxaa jiri jirey oday xoolo badan oo dabjoog ah lahaa oo afadiisa iyo shan inammood ay dhaleen Ciid iyo Ceelcad kula noolaa. Inkastoo odaygu carruurtiisa dhammaan uu wada jeclaa, misana midka dhexe ayuu hawllaha iyo talooyinka reerka ku aammini jirey. Wiilasha kalese arrinkaas kuma faraxsannayn. Aad bay uga masayreen kalsoonidaa gaarka ah ee aabbahood walaalkooda saddexaad uu siiyey.

    Maalin maalmaha ka mid ah ayay afartoodii oo wada socda aabbahood u tageen. Waxay kala doodeen sababta uu iyaga ugu aammini waayay arrimaha iyo talooyinka reerka. Odaygii arrinkaas lagu eedeeyey kama cadhoonnin jawaabna kama bixinnin.

    Dhowr maalmood kaddib ayuu kob isugu yeedhey dhammaan inammadiisii. Dabadeed shan halaad oo geel ah ayuu midkiiba siiyey. Wuxuu u sheegey in geelaas iyagu, shakhsi-shakhsi, u kala leeyihiin oo wax allaale iyo wuxuu qofba doono uu ku qabsan karo.

    Curadka geeliisii durbadiiba sayladda ayuu u beec geeyey, lacagtuu ka heleyna jeebka ayuu ku ritey oo magaalo la qabtay.

    Curad-ku-xigeenkii, gabadh uu jeclaa ayuu xoolihii la siiyey kula aqalgalay.

    Kii wiilasha ugu yaraa, bartii reerku degganaa kob u dhow oo tuulo ah, inta uu halihii lacag aan badnayd siistey oo ku tamashleeyey, ayuu isagoo farammaran muddo gaaban gudahood reerkii dib ugu soo noqday.

    Koodii afaraad, lacagtii uu xoolaha ka heley, inta uu durbadiiba baasaboor been ah ku iibsaday oo tigidh goostay ayuu Sacuudiga doonni u raacay.

    Haddaba wiilasha, koodii dhexe oo ay odayga isu dhowaayeen, geelii badnaa ee reerku lahaa ayuu shantiisii halaad ee la siiyey dib ugu darsaday.

     

    Ruuxii wanaagsan Eebbe iyo ummadduba waa ka wada helaan

     

    Maxamed C. Xasan ‘Alto’

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.