Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»SHAQADU SHAHAADADA MIYAA? MISE WAA KARTIDA QOFKU LEEYAHAY ? (QORMO)
    Somalia

    SHAQADU SHAHAADADA MIYAA? MISE WAA KARTIDA QOFKU LEEYAHAY ? (QORMO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 22, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sanad ka hor ayay aheyd markii maal qabeenka Elon Musk, uu hadal jeedin dheer ka sameeyay mawduuca goobaha waxbarashada gaar ahaan jaamacadaha. Waxa uu u arkayay in ay yihiin goobo qofka caqligiisa lagu liido oo qofka la baro waajibaad shaqo oo laga doonayay in uu isaga sameeyo.
    Inkastoo Elon Musk uu dhameystay jaamacad, hadana jaamacadaha waxa uu u arkaa meel dadka lagu mashquuliyo oo lagu madadaaliyo.

    Elon, waxa uu caddeeyay in shaqaalaha shirkaddiisa Tesla Motors aan lagu qaadan doonin shahaadooyinka uu qofka sito, ee lagu qaadan doono qofka waxa uu yaqaano iyo kartidiisa.
    Shirkadda Google, IBM iyo Apple ayaa kamid ah shirkadaha shaqooyinkooda la codsan karo shahaado la’aan. Weliba sannadihii danbe ayay soo kordhiyeen hab-shaqaaleysiinta noocaan ah.
    Shirkadahaan, waxa ay fahmeen in muhiimaddu ay tahay waxa uu qofka qaban karo ee xirfad iyo aragti ku soo biirin karo shirkadda, sidaa awgeed maba jirto sabab qofka xujo looga dhigo in uu heysto shahaado.

    Shirkadaha horumarka sameeya ee saameynta dunida ku leh, waxa ay garteen in jaamacadaha shahaadooyinka laga sito aan waxba lagu soo baran. Sidoo kale in ardayda shahaadooyinka heysto ay caddeyn u tahay in uu kooriskaas soo qaateen, balse ay caddeyn u aheyn in uu yahay qof wax bartey. Sidaa awgeed baahi uma qabaano in shaqooyinkooda lagu soo codsado shahaado.

    Lazlo Bock oo ahaa madaxii hore ee shirkadda Google mar uu warbixin siinayay wargeyska The New York Times waxa uu yiri; “Marka aad aragto dad aan iskuul/jaamacad aadin hadane la jaan qaadaayo dunida, dhab ahaantii dadkaasi waa dad aan caadi aheyn. Waa in aan raadinnaa dadkaas si walbo aan ku heli karno.” Lazlo, waxa uu caddeynayaa in boqolaal aan iskuullo iyo jaamacado aan weligood aadin oo waxtar leh ay dunida buuxaan, sidaas awgeed loo baahan yahay in dadkaasi la dheefsado oo la raadiyo.

    Sannadkii 2019 ayay aheyd markii Tim Cook oo ahaa madaxa shirkadda Apple uu ka soo yeeray in sannadkii u dambeeyay shaqaalaha ay shirkaddu shaqada siisay kala-bar aysan haysan shahaado 4 sano ah(Jaamacad). Bal u fiirso, dunida waxa ay baadi goob ugu jirtaa in ay raadiyaan dadka aan heysan shahaado, si looga faa’ideysto, anagane haddaan Soomaali nahay qof walbo oo aan shahaado sidan waxa aan u heysanaa qof waxba aan tareyn oo jaahil ah, ama laga roon yahay oo aan shirkadaha laga shaqaaleysiin karin.

    Maadaama xaqiiqooyin badan ay soo if-baxeen, sidoo kale jaamacadaheennu aysan ka sarreyn jaamacadaha dunida –in ay ka liitaan mooyaane– ayaa waxaa loo baahan yahay in aan anaguna fahanno in shahaadooyinka jaamacadaha Soomaaliya aysan caddeyn u aheyn in qofka yahay qof waxbartay.

    Waa in qof walbo waxa uu yaqaan iyo kartidiisa loo tixgeliyo dadkana aan caqabad looga dhigin shahaadada aan damaanad qaadi karin kartida qofka. Waana lama-huraan, in aan waaqica la noolaano oo dhaqamada duuga ah kuwooda liito aan baddelno.

    Qalinkii: Dhuubow

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.