Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sheekh Shariif “Waxaan dhamaystiri doonaa Dastuurka Aftina waa laga qaadi doonaa”
    Somalia

    Sheekh Shariif “Waxaan dhamaystiri doonaa Dastuurka Aftina waa laga qaadi doonaa”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 20, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in haddii uu markale dib loo doorto la dhamaystirayo dastuurka qabyada ah isla markaana shacabka looga qaadi lahaa afti.

    Shariif Sheekh Axmed guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa bartiisa facebook soo dhigey qoraal uu ugaga hadlayo sanadguurada lixdanaad ee ku beegan maalintii shacabka Soomaaliyeed ay ansixiyeen dastuur.

    Qoraalka Shariif Sheekh Axmed ayaa u qornaa sidan;

    Maanta oo kale 60 sano ka hor waa maalin ku weyn Dalkeenna, waa maalintii ugu horeeysey ee umadda Soomaaliyeed ay afti u qaadeen, kuna ansixiyeen dastuurkii ugu horeeyey ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 20June1961.

    Waxa uu ahaa mid kamid ah dastuurrada heshiis bulsho ee caalamka ugu fiican, qaaradda Africa oo aan ka tirsannahayna ka ahaa tusaalaha ugu fiican, balse gabi ahaanba la baa’biyey markii Milatarigu ay afgambi talada Dalka ku qabsadeen 21 October 1969.
    60 sano kadib maalintaas qiimaha weyn noogu fadhida, maanta waxaan haysannaa

    Dastuur qabya ah oo intii aan xafiiska joognay aan diyaarinay, hayeeshee 8 sano kadib oo laba Dowladood ay is bedeleen weli aan la dhamaystirin.

    Waxaan umadda Soomaaliyeed u xaqiijinaynaa haddii aan xafiiska kusoo noqonno Bi’idnillah, inay naga go’an tahay sidii aan u dhamaystiri lahayn dastuurkaas qabyada ah, Soomaaliyana ugu sameyn lahayn Dastuur rasmi ah, afti dadweyne lagu ansixiyo marka tirakoob shacab aan sameyno.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    December 26, 2025

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    December 26, 2025

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    December 26, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Isbarbardhiga doorashada Xasan iyo doorashooyinka SL&PL

    Puntland oo uheshay mashruuc Wadada Galkacyo-Goldogob

    Shiine”Maraykanku,wuxuu isku dirayaa anaga iyo Hindiya”.

    Dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo oo lakala saxiixday

    Faallo:-Khudbadii Madaxweyne Xasan Ee Caawa

    Mucaaradka Muqdisho oo qaadacay doorashada Xasan Shiikh

    Faallo:-“Xasan,waa ciyaarayaa waliba ciyaar kaligiis ah oo khiyaali ah”

    Safiirkii Maraykanka Ee Somaliya oo la badalay

    Hawlgalka Midowga Afrika Ee Somaliya oo wakhtiga loo kordhiyay

    Xaafiiska Siyaasada QM Ee Somaliya oo Albaabada layskugu dhufanayo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.