Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shiinaha oo lagu tuhmayo abuurida Corona-Virus
    Somalia

    Shiinaha oo lagu tuhmayo abuurida Corona-Virus

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 16, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladdiisa ay isku dayeyso inay go’aan ka gaarto haddii coronavirus uu asalkiisa ka yimid sheybaar ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

    Sidoo kale xog-hayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu baaqay Beijing “inay caddeyso” waxa ay ogtahay.

    Asalka cudurkan ayaa weli ah mid aan la ogeyn. Hase yeeshee waxaa horey loo sheegay inuu ka dillaacay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, taasi oo Mareykanka ay shaki weyn ka qabaan.

    Taleefishinka Fox News ayaa Arbcadii sheegay in fayruska uu ka yimid sheybaar ku yaalla Wuhan, balse aan looga dan lahayn in hub ahaan loo adeegsado ee uu qeyb ka ahaa dadaal Shiinaha ay ku muujinayaan awooddooda ah inay aqoonsan karaan oo ay fayrus ula dagaalami karaan si la mid ah ama ka awood badan Mareykanka.

    Warbixintan iyo kuwa kale ayaa sheegay in qof uu fayruska ku qaaday sheybaarka kadib tegay suuq xoolaha lagu gowraco halkaasna uu ka billowdo faafitaanka.

    Trump oo isaga oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad wax laga weydiiyey arrintan ayaa sheegay inuu ka warhayo wararka sheegaya in fayruska uu kasoo baxsaday sheybaar ku yaalla Wuhan.

    “Waan baari doonaa xaaladdan aadka u xun ee dhacday,” ayuu yiri Trump.

    Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo oo la hadlay Fox News kadib shirka jaraa’id ee Trump ayaa yiri “waxaan ognahay in fayruska uu ka yimid Wuhan. Islamarkaana sheybaarka Wuhan Institute Virology dhowr mile oo kaliya ayuu u jiraa suuqa xoolaha.”

    “Waxaan ka dooneynaa dowladda Shiinaha inay is-furto, oo ay sharaxdo sida cudurkan u faafay, dowladda Shiinaha waa inay runta caddeyso,” ayuu yiri Pompeo.

    Sheybaarka Wuhan Institute of Virology ayaa bishii Febraayo ku gacan seeray xanta ku saabsan in fayruska si ku talo-gal ah loogu abuuray halkaas, kadibna uu kasoo baxsaday.

    REUTERS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.