Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe
    Puntland

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 22, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe : 22 June 2025: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor,ayaa furay Shirweyne lagu soo bandhigayo xogta dhulka Puntland, sida….

    1.Biyaha,Dhirta.

    2.Deegaanka iyo isbedelka cimilada.

    Xogtan,waxaa soo diyaarisay Hay’adda maamulka xogaha Biyaha iyo Kheyraadka dhulka Puntland ee IMC.

    Shirka oo socon doona (22-23 June 2025) waxaa lagu soo bandhigay furitaankiisa xogo lagu ururiyey sahan cir iyo dhul laga sameeyay oo la xiriira Biyaha Puntland, Dhirta , deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland. Xogtaasi oo muhiimad gaar ah u leh Hay’adaha Dowladda si ay ugu go’aan qaataan.

    Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay shaqada ay hayso iyo xogaha cilmiyeysan iyo sahanka ay soo bandhigtay Hay’adda IMC, iyadoo adeegsatay (Drones) iyo Tiknoolijiyada kale ee casriga ah, wuxuuna ku booriyay Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dowladda in ay ka faa’ideystaan xogahan si ay ugu saleeyaan qorsheyaashooda iyo adeega dowladnimo ee bulshada loo hayo.

    Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Hay’adda IMC iyo Wakiillo ka socda Hay’adaha ay wada shaqeeyaan, khuburo xaga xogaha iyo deegaanka ah iyo marti sharaf kale .

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.