Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirka Baydhabo waa Shir Dowlada Fadaraalku ku qarinayso fashilka Siyaasadeed ee kaga dhacay Koonfur-galbeed
    Somalia

    Shirka Baydhabo waa Shir Dowlada Fadaraalku ku qarinayso fashilka Siyaasadeed ee kaga dhacay Koonfur-galbeed

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 18, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Aan labo u kala qaadno Shirka Baydhabo iyo damacii hore ee Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Gudoomiye Aadan Madoobe.

    Damacii Xasan iyo Aadan?

    Xasan iyo Aadan Madoobe waxaa la dhihi karaa waxay soo taabteen darbiga oo Labadoodu waxay la hareen ma jirin.

    Xooga dib ugu laabo xasuusta meeshay ka soo bilaabatay.

    Lafta gareen waxaa la galiyay go’doon Siyasadeed,iyadoo lagu abaabulay Shirar isdaba joog ah oo Xamar ka dhacayay.

    Sidoo kake,waxaa lagu aasaasay Madal xoogan oo waliba Hubaysan.

    Waxaa lagu furay Idaacadi Dowlada oo Habeen walba lagu qabanayay Barnaamijyo iyo doodo ka soo horjeeda Madaxweyne Lafragareen.

    Arimahaas waxaa abaabulkooda iyo Kharsh garayntooda bixinaysay Villa Somaliya.

    Laftagareen iyo isdifaaciisii?

    Madaxweyne Lafta gareen markuu nafta u yaabay,ayuu soo saaray Amaro culus oo ay ka mid ahaayeen in cid aan fasax ka haysan maamulka aysan Diyaaraduhu soo qaadi karin.

    tilaabadii xigtay waa tii barigaas xasan iyo itoobiya xooga la isku xumaa boqashadiisii masar.

    Madaxweyne Lafta-gareen,waxuu ka faa’idaystay fursad Siyaasadeed oo ka dhalatay madmadow soo kala dhexgalay Itoobiya iyo Dowlada Fadaraalka Somaliya.

    Laftagareen,waxuu uduulay Itoobiya,isagoo soo samaystay Dhufays adag iyadoi Ciidamada Itoobiyaanka ee jooga Baydhabo amar lagu siiyay inay ka amar qaataan isaga.

    Ugu danbayn Lafta-gareen wuxuu fashiliyay Kacdoonkii hubaysnaa,waxuuna Baydhabo ka dhex muuniyay awood.

    Madaxweyne Deni iyo doorkiisii xaalada KG?

    Madaxweyne Xasan,waxuu ka dalbaday Madaxweyne Deni xiligaas in Madaxweyne Lafta-gareen hoos loola hadlo oo uu wax walba waa ogol yahay.

    Markaas Madaxwayne Deni,ayaa Madaxweyne Lafta-gareen Garowe ku casumay hawshiina dhameeyay boqashadiisii Garowe ka dib,ayaa Aadan Madoobe shirkan ku dhawaaqay.

    Shirka dibuheshiisiinta ee Baydhabo?

    Madaxweyne Xasan iyo Gudoomiye Aadan
    Madoobe darbiga ayay soo taabteen,wax walba oo ay Madaxweyne Lafta gareen meesha uga saari karaana ma reeban.

    Shirkan,waxaa lagu tilmaami karaa Shir Dowlada Fadaraalku ku qarinayso fashilkii
    Siyaasadeed ee kaga dhacay Koonfur-galbeed.

    Shirku Haduu amaan leeyahay
    waxaa leh Madaxweyne Lafta gareen oo aqbalay isagoo guulaystay in uu hor fariisto kooxdii kale una ogolaaday in ay Baydhabo yimaadaan.

    Madaxweyne Xasan,wuxuu ku amaanan yahay markuu arkay in uu fashilmay damaciisii guracanaa ee lidka ku ahaa Lafta gareen in uusan khaladkiisii ku sii adkaysan ee uu ka soo laabtay.

    Gunaanad”

    Baydhabo xiligan waa lagu kala adkaaday ee laguma hishiin,waana lays gaadayaa markale.

    Oday Somaliyed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.