Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Shirka Maamul Daadejinta iyo Horumarinta Degmooyinka Puntland oo ka dhacay Garoowe (Daawo)
    Puntland

    Shirka Maamul Daadejinta iyo Horumarinta Degmooyinka Puntland oo ka dhacay Garoowe (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 24, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxwayne Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa gudoomiyey shirka Maamul daadajinta iyo horumarinta degmooyinka Puntland oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

    Shirka waxaa kasoo qayb galay Wasiirada, Wasaaradda Maaliyada, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta, Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Agaasimayaasha Wasaaraddaha ka shaqeeya barnaamijka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo sidoo kale saraakiil ka socday xafiisyada Hay’addaha kala ah UNDP, UNICEF, UNCDF iyo UNHABITAT oo taageera barnaamijkan.

    Barnaamijka oo galay wejigii saddexaad oo maanta la qabtay kulankii koowaad ee 2019 ayaa warbixin ku aadan waxyaabihii qabsoomay, caqabadaha taagan iyo qorshaha 2019 laga dhagaystay Agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha, waxaa laga dooday intuu kulanku socdey derdergelinta dedaalada maamul daadajinta iyo harumarinta degmooyinka Puntland.

    Madaxwayne Ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa kula dardaarmay dhammaan masuuliyiinta barnaamijkan ka shaqeeya inay dardargeliyaan shaqooyinka maamul daadejinta iyo horumarinta magaaloonyinka Puntland.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/WarbaahintaDawladaPuntland/videos/2151601991564890/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.